Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
GudahaMaqaalladaWararka

Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera waxaa lagu daabacay warbixin qoto dheer oo uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Aadan, taas oo lagu soo bandhigay isbeddelada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka ka hirgalay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intii uu xilka hayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintu waxay tilmaantay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo madax-bannaanida qaranka, howlgallada la dagaallanka argagixisada, qabyo-tirka dastuurka iyo horumarinta dalka

🔹 La-dagaallanka Argagixisada:

Warbixinta Afhayeenka waxaa lagu sheegay in Dowladdu ay qaadday howlgallo waaweyn oo lagu xoreeyay drrgaanni badan oo dalka ah.

Afhayrrnku waxa uu sheegay in la fuliyay in ka badan 1,100 hawlgallo milatari, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 5,500 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha argagixisada.

Dagaalkaas oo ay barbar socotay cunaqabataynta dhanka dhaqaalaha ee argagixisada ayaa warbixibtu waxay xaqiijisay in la xiray 800 xisaab-bangi oo lagu helay in maalgelinta falalka argagixisada.

🔹 Dhanka Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah:

Dowladda ayaa bilowday qorshayaal rasmi ah oo ku saabsan baarista saliidda iyo gaaska, sida lagu xaqiijiyey warbixinta Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeene Xadaana ayaa Alhazeera u sheegay in la dejiyay nidaamyada sharci iyo mid maamul ee lagu ilaalinayo daahfurnaanta iyo caddaaladda qaybsiga kheyraadka.

🔹 Dib-u-Dhiska Dhaqaale & Maaliyad:

Soomaaliya waxay ku guulaystay in si buuxa looga dulqaado deymaha caalamiga ah bishii December 2023.

Waxaa la qaaday xayiraaddii hubka ee saarneyd dalka, taasoo fursad u siisay in dib loo dhiso ciidamo qaran oo tayo leh.

🔹 Horumarka Dastuuriga & Dimuqraadiyadda:

Waxaa la dardar geliyay dhameystirka dastuurka federaalka si loo helo nidaam sharci ah oo qaran.

Waxaa la shaaciyay qorshe lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

🔹 Soo Celinta Doorka Soomaaliya:

Soomaaliya waxay ku biirtay Ururka Bariga Afrika (EAC) si ay u xoojiso xiriirka gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxay heshay xubinimada ku-meel-gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo muujineysa kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

🔹 Arrimaha bulshada;

Dowladda waxay kordhisay tirada macallimiinta iyo fursadaha waxbarasho, iyadoo xooga la saarayo meelaha ay adeegyada ka liitaan.

Waxbarashada waxaa loo arkaa mid laf-dhabar u ah nabadda, shaqo abuurka iyo ka qaybgalka bulshada.

Gunaanad: Warbixintan uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u dhis qaran, oo lagu guulaystay dadaallo isku dhafan oo dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah.

Inkastoo caqabado ay jiraan, haddana waxaa muuqda rajo iyo jihayn cad oo ku aaddan sidii loo gaari lahaa dal xasilloon, midaysan, kana faa’iideysta khayraadkiisa, isla markaana kaalin muuqata ku yeesha dunida inteeda kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyahah golaha shacabka oo oo ka tacsiyadeeyay geerida danjire Ciise Dheere

Muqdisho(SONNA)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha…

Wararka
June 16, 2020

Warsaxaafadeed:- In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan

Muqdisho(SONNA):- Warsaxaafadeed ka soobaxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah looga bixiyay howgalkii ka dhacay gobolka…

GudahaWararka
December 3, 2023

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Muqdisho (SONNA):Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga…

GudahaWararka
May 4, 2024

Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta wararka been abuurka iyo buunbuuninta oo Muqdisho ka furmay

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaran…

GudahaWararka
June 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023