Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud
    March 13, 2026
    Wasaaradda Batroolka XFS oo ka hadashay cabashooyinka dadweynaha ee dhanka shidaalka
    March 13, 2026
    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay
    March 13, 2026
    Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 13, 2026
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
GudahaWararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan is-barasho la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la guudmaray arrimo ay ka mid yihiin: amniga caasimadda, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, taageerada dowlad-dhiska iyo geeddi-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Dr. Xasan Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan Horumarinta Caasimada iyo Gobolka Banaadir.

Waxa uu kulanka gorfeeyay mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka, nabadeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladeed. Duqa Muqdisho ayaa waxa uu xusay in barnaamijyadaasi ay door muhiim ah ka qaataan kor-u-qaadista adeegyada bulshada iyo xasilinta caasimadda.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay Safiirka heerka guulaha laga gaaray sugidda amniga Muqdisho iyo horumarka laga sameeyay la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in bulshada caasimaddu ay helaan fursad ay si xor ah ugu doortaan madaxda matalaysa, taas oo uu ku tilmaamay mid kamid ah tiirarka dimuqraadiyadda.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay muhiimadda ay leedahay taageero dheeri ah oo la bixiyo si loo hirgeliyo himiladaas ay bulshada Soomaaliyeed muddo dheer sugaysay.

Dhankiisa, Danjire Charles King ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho kulanka miradhalka ah ee uu la yeeshay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Ingiriiska uga go’an tahay sii wadidda taageerida nabad waarta iyo horumar joogto ah oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud

Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku…

March 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

dalka Koongo oo lagu dilay16-qof oo rayid ah

Kooxo hubeysan oo ku sugan  bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) ayaa dilay ugu yaraan 16 qof oo rayid ah,ka…

Caalamka
July 23, 2021

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda XFS oo Kormeeray xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda xukuumada federaalka soomaaliya ayaa manta Kormeer shaqo ku tagay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada…

Wararka
November 17, 2020

Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Dawladda Soomaaliya waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta…

MaqaalladaWararka
July 24, 2023

Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka

Muqdusho (SONNA): Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Hassan Mohamed ayaa kullan la qaadatay qaar ka mid ah…

GudahaWararka
May 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023