Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan sagootin ah la qaatay danjirahii Sweden u joogay Soomaaliya
    July 3, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah
    July 3, 2025
    Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood
    July 3, 2025
    Wasiirka arrimaha dibadda Malawi oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya.
    July 2, 2025
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda
    July 2, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: 1-da Luulyo oo laga xusay Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 1-da Luulyo oo laga xusay Shiinaha
GudahaWararka

1-da Luulyo oo laga xusay Shiinaha

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 2, 2025
2 Min Read
Share

Beijing-(SONNA)-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing, dalka Shiinaha, ayaa si heer sare ah u xustay sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyaddeeda qaadatay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen danjirayaal, diblomaasiyiin, madax ka socotay wasaaradaha dowladda Shiinaha, aqoonyahanno, ganacsato iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shiinaha.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta safaaradda, iyadoo lagu furay bandhig sawirro taariikhi ah oo ka tarjumaya halgankii xorriyadda iyo horumarka dalka. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay hiddo-dhaqanka Soomaaliyeed, muuqaallo muujinaya bilicda dalka iyo hal-abuurka shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusman Cabdi, ayaa jeedisay khudbad muhiim ah oo ay ku adkaysay qiimaha ay leedahay maalinta 1-da Luulyo.

Waxay sidoo kale ka hadashay dadaallada dowladda Federaalka ay ugu jirto horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Xue Bing, Wakiilka Gaarka ah ee Shiinaha u qaabbilsan Geeska Afrika, ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, wuxuuna muujiyay sida ay dowladda Shiinuhu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la xusay in Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping uu hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed ay sameeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed iyo arday Shiinays ah, kuwaas oo si weyn u soo jiitay marti-sharaftii.

Safaaraddu waxay u mahadcelisay howlwadeennada, ardayda iyo mutadawiciinta doorka muuqda ee ay ka qaateen guusha xafladda, taas oo si cad u muujisay midnimada iyo firfircoonida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Shiinaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan sagootin ah la qaatay danjirahii Sweden u joogay Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa…

July 3, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka waxbarashada oo guddoomiyey kulanka abaabulka banaanbaxyo Muqdisho ka dhacaya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shir gudoomiyey kulanka…

GudahaWararka
January 10, 2024

Wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood oo booqasho ku tagay jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha…

GudahaWararka
April 22, 2025

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞  𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA):-Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay…

GudahaWararka
November 30, 2024

 Kuuriyada Woqooyi oo soo bandhigtay gujisyada ku howlgala  hubka Niyuklerka

Kuuriyada Woqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay bog cusub oo ku aadan weerarada xirfadeysan  ee loo adeegsado maraakiibta ku…

Caalamka
September 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023