Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 1, 2025
2 Min Read
Share

Dar es Salaam-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Gobonnimada dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania, oo xalay la xarig jaray si rasmi ah markii dib u dhis ballaaran iyo qalabayn lagu sameeyay.

Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, diblomaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si wacan u qabsoontay.

Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta gobonnimada dalka ee ku beeggan Kowda Luulyo, isaga oo caddeeyay halganka taariikhiga ahaa ee Soomaalida ay naf iyo maal ugu hureen iska dul-qaadidda heeryada gumaysiga, xaqiijinta xorriyad iyo gobonnimo dhammaystiran oo qiimo mug weyn leh oo waara u leh midnimada, madax-bannaanida iyo hanka qaranka. Waxa uu bogaadiyay naf-huridda jiilashii hore, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhowridda qarannimada Soomaaliya iyo bedqabkeeda dhuleed, badeed iyo cir , iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi joogta ah.

Mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa xafladda dabaaldegga Kowda Luulyo, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhanka Dowladda Tanzania, waxaa xafladda uga soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

 

Dabaaldegga ayaa lagu furay calan-saarka iyo tumidda heeska calanka Soomaaliya. Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay martida, isaga oo ka hadlay qiimaha weyn ee ay leedahay 1-da Luulyo, xusayna in ay astaan โ€‹โ€‹u tahay midnimada iyo rajada qaranka.

 

Maalinta Gobonnimada Soomaaliya waxaa lagu xusaa midowgii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1-dii Luulyo 1960-kii, taasoo horseedday dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa maalin qaran oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, dibna loo millicsado waayihii adkaa ee loo maray xoriyadda, is-raaca iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waa maalin mudnaanteeda leh oo ku suntan himillada qarannimada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hayโ€™ada caafimaadka aduunka oo ka walaacsan xaalada Covid-19 ee ka jira Koonfur Afrika

Muqdisho:(SONNA)-War qoraal ah oo ay soo saartay hayโ€™ada caafimaadka aduunka ayaa lagu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ka jirto…

Wararka
June 13, 2020

Shirka Ururka bulshada bariga Afrika oo berrito ka furmaya Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan…

GudahaWararka
January 25, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay Xuska 25-Guurada Aas-aaska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Arusha, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka…

GudahaWararka
November 29, 2024

Sheekada Mu’adinkii Khawaarijtu dishay ee hantidiisa ay gubeen.(Warbixin)

Muqdisho(SONNA:-Kooxda khawaarijta ee gabalkoodu dhacay hadana maraya xaalad quus ah ayaa waxa ay mudo dheer shacabka Soomaaliyeed ku hayeen dhibaatooyin…

MaqaalladaWararka
February 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023