Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: SoDMA oo muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > SoDMA oo muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo
GudahaWararka

SoDMA oo muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 4, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayay ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo iyo sidii looga shaqeyn lahaa xaqiijinta in gargaarku si hufan, caddaalad ah, loona siman yahay uu ku gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay.

Kulankan oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira habsami u socodka gargaarka, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nidaamka bixinta gargaarka.

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta howlaha gargaarka, iyagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola dagaallamo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka ku xeeran hawlaha gargaarka bini’aadannimo. Waxaa sidoo kale lagu booriyay bulshada in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta iyo kormeerka hannaanka gargaarka.

SoDMA waxay markale caddeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa in gargaar kasta lagu bixiyo si waafaqsan mabaadi’da bini’aadannimo, xeerarka caalamiga ah, iyo sharciyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu heshiiyay in la dhiso gudi farsamo oo ka shaqeeya ka hortagga ku tagrifalka gargaarka bini’aadannimo, lana xoojiyo wada shaqeynta dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga Arimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Muqdisho, (SONNA):- Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha iyo…

GudahaWararka
February 11, 2024

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo duullimaadyada uga yimaada Dalalka Yurub sababo la xiriira Caabuqa Corona

Washington-DC-(SONNA)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si toos ah u shaaciyay in Dawladdiisu ay joojinayso duullimaadyada iyo isu socodka uga yimaada…

CaalamkaWararka
March 12, 2020

Wasaaradda Gargaarka oo ka warbixisay Xaaladda Deegaannada uu ku fatahay wabiga Jubba

Muqdisho,(SONNA)... Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo…

Wararka
April 30, 2020

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle iyo xunmo kale oo ka socday Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa…

Gudaha
January 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023