Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga
GudahaWararka

Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 4, 2025
2 Min Read
Share

Geneva-Switzerland-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.

Kulankan oo Wasiirka ay ku wehlisay Safiirka Soomaaliya u fadhisa Geneva Amb Khadra Ducaale ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii ay horey labada wasaaradood u kala saxiixdeen sanadkii 2016 kaasi oo aanan weli dhaqan gelin.

Wasiirka Shaqada Dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii labada wasaaradood ay kala saxiixdeen 2016 kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta shaqooyinka iyo kor u qaadista tayada iyo qibradda shaqaallaha Soomaaliyeed, ayadoo dhankooda ay soo magacaabayaan guddi farsamo oo shaqooyinka loo baahan yahay dardar geliya.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo kulanka ka hadlay dhankiisa ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyey taageerrada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin waxaana uu Wasiirku ka sheekeeyey xaaladda shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo taasi oo ah baahi deg deg ah, waxaana uu ballan qaaday in dhanka Soomaaliya ay diyaar la yihiin tallaabooyinka looga baahan yahay.

Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar gaar gaar ah oo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula qaadanayo madaxda dalalka iyo hay’adaha kala duwan ee Geneva u jooga ka qeybgalka shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka ayadoo Wasiirka uu berrito khudbad ka jeedin doono shirkan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac…

GudahaWararka
December 28, 2022

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo dowladda Ingiriiska kala wareegay gaadiid iyo qalab casri ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa…

GudahaWararka
September 11, 2025

Berbera oo laga hirgaliyay garoon Caalami ah oo loo dhisay qaab casriyeysan.

BERBERA (SONNA)- Munaasabad dib loogu furayo garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera oo dib u dhis balaaran iyo qalabayn casri ah…

GudahaWararka
November 20, 2021

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay wafdi ka socda Azerbaijan

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow iyo mas’uuyiin kale oo katirsan hay’adda ayaa xarunta…

GudahaWararka
August 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023