Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 28, 2025
6 Min Read
Share

Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn oo astaan u ahaa Isboortiga Soomaaliyeed, balse mar noqday mid ka mid ah meelaha ay colaadda iyo burburku ugu daran Saameeyeen. Muuqaalka maanta laga arkayo Mogadishu Stadium waa mid gebi ahaanba ka duwan kii, toban ama labaatan sano ka hor. Garoonkii burbursanaa ayaa dib loo dhisay, lana qalabeeyay, waxaana loo rogay xaruun isboorti oo heer caalami ah. Ma aha kaliya meel lagu ciyaaro kubadda cagta, balse waa astaanta cusub ee nabadda, horumarka iyo kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan dalkooda.

Bishaan May,  27, 2025-ka, oo aheyd shalay Muqdisho waxay martigelisay ciyaartoy caalami ah oo magac iyo maamuus ku leh dunida. Xiddigaha reer Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo dhammaantood u soo ciyaaray kooxaha ugu waa weyn kubadda cagta sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea, Arsenal, iyo Manchester City, ayaa cagta dhigay Garoonkaasi. Muuqaalkaasi waa kuwo taariikhi ah, dareen gaar ahna u leh kumannaan qof oo Muqdisho ku noolaa xilliyadii dagaallada iyo burburka.

Ciyaartani ma aheyn oo kaliya ciyaar, waxay ahayd farriin xooggan oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday mugdiga, una socoto iftiin, waxaana la arkay Caruur faraxsan, Waalidiin iyo dhallinyaro isugu yimid inay taageeraan ciyaaraha, iyadoo aysan jirin rasaas ama cabsi,  taasina waa horumar.

Dib u soo noolaanshaha Mogadishu Stadium waa qeyb ka mid ah isbeddelka guud ee ka socda dalka, waxaana dib u shaqo bilaabay xarumo dowladeed, iskuullo iyo jaamacado ayaa si xowli ah u fidaya, waddooyin ayaa la dhisay, ganacsi ayaa kobcaya, dalxiis ayaa soo ifbaxaya, iyo diblomaasiyad firfircoon ayaa horseed u ah magac wanaagsan oo Soomaaliya ku yeelato dunida inteeda kale.

Isboortigu wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa nabadda, wuxuuna mideeyaa bulshada, wuxuu dhiirrigeliyaa wadajirka, wuxuuna daaweyn u yahay dhaawacyadii Maskaxda iyo qalbiga ee ay colaadaha sababeen. In ciyaartoy heer caalami ah ay yimaadaan Muqdisho waxay soo jiidatay indhaha caalamka, waxayna kor u qaaday niyadda bulshada Soomaaliyeed.

Mahad Alle ayey u sugnaatay,  Isbeddelkan ma suurtagaleen la’aanta is-garab taagga Alle, sabirka shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hal-abuurka leh ee ay muujinayaan dhallinyarada, dowladdu iyo dadka qurbo-joogta ah, waxaana mudan in la xasuusto in horumarka aan maanta aragno uu yahay natiijada sannado badan oo dadaal, dulqaad iyo hiigsasho wacan ah.

Sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, “Caasimada dalka maanta waxay gudbisey sawir qurux badan Xukuumadda Dan qaran iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waana uga mahad celineynaa inay dunida u muujiyeen in dalkeennu maanta uu  si cad u muujiyey inuu  Marti gelin karo ciyaaro caalami ah”.

Mogadishu Stadium maanta ma aha oo kaliya garoon, ee waa ‘Astaan Qaran’, calaamad rajo, iyo tusaale cad oo muujinaya soo kabashada Soomaaliya .

“Qaar ka mid ah Ciyaartooyda heerka caalami ee Afrika ayaa dib ugu soo laabtay garoonka, iyagoo ciyaar taariikhi ah ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”, sidaasi waxaa qoray TRT Africa qeybteeda African’s Post.

“Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartaas, waxaana ka dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto’o, iyo Vincent Onyeama iyo qaar kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya”.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu qabto ciyaar heer sare ah tan iyo markii ay ka dilaaceen dagaaladii Sokeeye in ka badan 30 sano ka hor, waxaa loogu magacdaray Dalxiiska Nabadda iyo Halyeyga ah, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo hamiga Soomaaliya ee ah in ay dib ugu soo laabato Masraxa kubadda Cagta caalamka, ayna muujinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Wafuud ka kala socota FIFA iyo xiriirka kubadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sidoo kale la filayaa inay dhawaan dalka yimaadaan”, ayay qoraalkeeda ku sheegtay. “Kulamada martigelinta ee ka dhacaya garoonka Muqdisho waxay sare u qaadayaan muuqaalkeenna kubbadda cagta,” ayuu yiri Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka Xiddigaha Caalamiga ah iyo Madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxa xukuumadda Galmudug oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray dhismaha maamulkaasi

Dhuusamareeb-(SONNA)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxa xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug, Dr; Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu…

Wararka
December 12, 2019

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse

Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abokor Dubbe ayaa manta ka qeyb galay aaska AUN Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal…

Wararka
March 11, 2021

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka 3-aad ee wadajirka Baarlamaanka labadiisa Aqal

Muqdisho,(SONNNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad…

GudahaWararka
July 27, 2023

Ciidamada Boliiska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nuucyo ka mid ah walxaha qarxa

Gaalkacyo.(SONNA_)...Ciidanka Booliiska Fadaraalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkaan waday howlgallo Lagu Xaqiijinayo amniga ayaa maanta Ku guuleeystay…

Wararka
March 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023