Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 24, 2025
7 Min Read
Share

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta hey’adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre  Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq Cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye, iyadoo sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xaq-u-Dirirka deegaanka, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in si isku duuban looga hortago Khawaarijta, lagana xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Khawaarijta oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Howlgal kale oo ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u aheyd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho, sida lagu xusay Shirkaasi Jaraa’id.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Khawaarijta, isagoo ugu dambeyntii, ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka ‘halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga’.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay dhawaan Warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ay u diyaargaroobaan dagaal lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

“Suurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaaga”ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi,isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda Marayknka wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan Cabdullaahi Banati iyo qof kasta oo mas’uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay, Kenya, Janaayo 5, 2020. Xarunta Manda Bay waa saldhig milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, si ay u siiyaan xulufada Maraykanka ee Bariga Afrika tababar iyo taageero ku aadan ka hortagga argagixisada, ugana jawaabaan dhibaatooyinka iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka, sida ay qortay ADF.

Aroornimadii hore ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka, waxayna si isku mar ah u huwiyeen baasuukayaal iyo hubka fudud garoonka diyaaradaha ee ku dhagan Manda Bay. Labo duuliye oo Qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsanaa waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle seddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena ahaa muwaadin Maraykan ah, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir ahaa militariga Mareykanka sidoo kalena ahaa hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay.

Sidoo kale, labo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka. Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.

Cabdullaahi Banati wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa qorsheynta howlgalka weerarkii Janaayo 5teedii, 2020-kii ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Manda Bay. Al-Shabaab – oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika – ayaa mas’uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah.

Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee Qaraarka 1844 (2008).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Hey'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas…

GudahaWararka
September 17, 2025

Faah faahin Dheeraad ah oo ka soo baxay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho,(SONNA)-Qof naftii halige ah oo xiran Jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.…

Gudaha
May 9, 2021

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee…

GudahaWararka
December 10, 2024

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul…

GudahaMaqaallada
May 30, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023