Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo Weerarkan ay si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen xarun ay Khawaarijtu isku uruursanayeen. Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagaga saaray godod ay horay gabaad uga dhigan jireen.
Sidoo kale, maydadka xubnihii laga dilay kooxda ayaa halkaas yaallay, iyadoo cadowgu uu jab weyn kala kulmay dagaalka. Ciidamada deegaanka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgalkaasi, waxaana Khawaarijta laga saaray saldhigyo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xadka u dhexeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale shalay weerar culus ku qaaday dhulka howldka ah ee ay khawaarijtu kaga dhuumaalaysanayaan xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay Baraha Bulshada lagu arkayay Godad ay qoteen Khawaarijta laga saaray markii looga itaal roonaaday dagaalkii halkaasi ka dhacay.
Ciidamada weerarka qaaday ayaa markoodi hore ka baxay deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waxaana cadowga Khawaarijta ah loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaasi oo ay dagaal culus la galeen kooxda Khawaarijta ah, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.
Maalmihii la soo dhaafay howlgallo is dabajoog ah oo ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ay ku baacsanayeen cadowga Khawaarijta ah ayaa lagu dilay dhagarqabayaal badan, iyadoo Argagixisada laga xoreeyay deegaanno muhiim ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonaya xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan, waxa uuna kormeeray deegaanka Geel-gub. Saraakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo, iyadoo la sheegay in uu Madaxweynuhu sameynayo isku-xir guud oo dagaalka, xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.
“Culeyska Argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle. Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle, welina waxaa ku socdo beegsi xooggan, iyadoo ay bilqan yihiin Meydadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Wararka laga helaayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay dhulka lala simey xarumo keydka hubka u ahaa Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab, iyadoo la sheegay in Dhowr magaalo oo ay Maleeshiyaadka ku kedsanayeen hub ayaana la burburiyay. Duleedka Degmada Jilib xarunta keydka ee ugu weynayd ayaa lala helay gantaalo dhowr ah, waana ay gubatay. Sidoo kale xaruntoodii degmada Sablaale duleedkeeda ku taaley ayaa iyaduna la gubay, halka Kunya-barow ay iyaduna xalay lala helay dhowr gantaal xarunta kooxdaasi u aheyd keydka.
Duulaankaasi oo ahaa dhinaca Cirka ayaa waxaa howlgalkaasi iska kaashaday Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa sidoo kale waxaa la bartilmaamedsadey Xarun tababar u aheyd kooxdaasi oo ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo Maleeshiyaad, kuwaasi oo isugu jira Ajaaniib, Madax Afrikaan ah & Macalimiin, iyadoo halkaasi ay naftooda ku waayeen 29 Sarkaal oo u badan Ajaanib, sida xogta lagu helayo. Inkastoo aan wali la helin tafaasiil intaasi dhaafsan, balse Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay faahfaahin ka bixiso wixii halkaasi ka dhacay. AUN Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur ayaa laga hayaa hees dhiiragin u ah Mujaahidiinta haatan ku howlan ciribtirka Khawaarijta ayaa waxaa Miraheeda waxaa ka mid ahaa “ Jabaabiibta Soomaaliyeedeey Jihaad gala, Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo Jihaad u gala”.
Warar kale oo laga helayo Howlgal Qorsheysan oo Ka Dhacay Duleedka Sabiid iyo Caanoole ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen.
Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ee NISA ayaa howlgal gaar ah oo qorshaysnaa ka fuliyay deegaanka Sabiib ee Shabeelada Hoose, iyadoo Duqaymo xoogan lagu garaacay meelo ay ka dhuumanayeen, iyada oo loogu galay godod ay ku dhuumanayeen. Howlgalka ayaa si gaar ah lagu beegsaday saldhigyo ay Argagixisadu ku lahaayeen dhulka beeraha ah, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku dhibaateynayeen shacabka.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in kooxda laga burburiyay guud ahaan goobihii ay gabbaad ka dhiganayeen, ayna ka soo abaabuli jireen dhagarta dadka Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale sheegeen in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.
Warar kale oo laga helayo Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Danab ay deegaanka Barjalla ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhow degmada Afmadow ku qabtay maxaabiis Khawaarij ah oo ay ku dumiyeen godadkii ay ku dhuumanayeen.
By. C/lahi Ruush