Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    February 1, 2026
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay
    February 1, 2026
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Madaxda Ururka FESTUii
    February 1, 2026
    Hay’adda SoDMA oo qabatay shirka ka jawaabista deg degga ee Abaaraha
    February 1, 2026
    DF waxay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo bedqabka muwaadiniinta
    February 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: May 16, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA(:-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, kuna beegan 82 guuradii aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley salaadda Janaazadda ee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee dalka.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025) ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka baniโ€™aadannimada, iyo dib-u-dhiska.

7- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga

8- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobo ay saameyn ku yeesheen roobab mahiigaan ah oo ka daโ€™ay Muqdisho.

9- Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA)

10- Hayโ€™adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

11- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Alper AktaลŸ, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
12- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada furitaanka bandhiga caalamiga ee Beeraha Caspian Agro 2025 ,oo ka qabsoomay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

13- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Turkiye , Danjire Alper AktaลŸ ,iyagoo ka wada hadlay la dagaalanka argagaxisadda iyo danaha labada dal ka dhaxeeya.

14- Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Baniโ€™aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ee ka daโ€™ay gobolka Banaadir.

15- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.

16- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

17- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo dalka dibaddiisa lagu soo tababarayo.

18- Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay ka hortagga khataraha ka dhasha si xun u isticmaalka baraha bulshada ee faafinta been abuurka ,marin habaabinta, hadallada naceybka iyo muqaaladda ay argagaxisadda baraha ku faafiyaan,

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities โ€“ NAPDA) ,kaddib, kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja dalka Nigeria.

20- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

21- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer howleed ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka daโ€™ay magaalada Muqdisho.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

23- Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa furay kulanka dowladda iyo bulshadda rayidka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wadashaqaynta iyo iskaashiga bulshada rayidka iyo dowladda.
25- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

26- Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Xasan Abshirow Maxamed ayaa daahfuray wajiga 2-aad ee tababarka guddi hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

27- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hayโ€™adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens.

28- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa qaabishay Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.

=====DHAMMAAD======

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka…

February 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dibad-bax ka dhan ah aflagaadadii hoggaamiyaha Faransiiska uu u geystay nabi Muxammad (NNKH) oo ka dhacay Gaalkacyo

Isu soo bax looga soo horjeeday aflagaadadii madaxweynaha Faransiisku uu ugeys nabigeenna Muxammad (NNKH) ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo…

Wararka
October 28, 2020

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Soomaaliya Cagaaran

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Al Maqzuumi oo booqasho rasmi ah ku joogta…

GudahaWararka
March 6, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga Qaran ee la dagaalanka lacagta sharciga darrada iyo maalgalinta argagixisadda

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada…

GudahaWararka
July 29, 2023

Madaxweynaha Jubbaland oo ka tacsiyeeyay geerida cayaartooyda qaraxa lala eegtay

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa bahda cayaaataha Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyadeeyay…

GudahaWararka
July 30, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023