Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya
GudahaWararka

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 5, 2025
2 Min Read
Share

Algiers (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Aljeeriya si uu uga qeyb galo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu xoojin karo iskaashiga baarlamaannada labada dal, isaga oo sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadato arrimaha xasiloonida iyo horumarka dalalka Carabta.

Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhanka baarlamaannada.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay doorka Aljeeriya ee taageerada ay siiso arrimaha Carabta, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u yahay isdhaafsiga waayo-aragnimada, aqoonta sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Nabadoon Badal โ€œWaxaan soo jeedinayaa in Madaxda ay xal ka gaaraan khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinkaโ€ Dhageyso

Muqdisho (SONNA)-Nabadoon Badalย  Jaamacย  Xirsiย  oo ka mid ahย ย  Odayaashaย ย  dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaaย  ugu baaqayย ย …

GudahaWararka
April 6, 2021

Hayโ€™adda SoDMA oo dowladda Qatar kala wareegtay gargaar mucaawino ah

Muqdisho-(SONNA)-Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hayโ€™adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA…

GudahaWararka
September 19, 2023

Shirweynaha 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo xoogga lagu saarayo Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa maanta xoogga lagu soo saari…

GudahaWararka
December 16, 2024

Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday 10 milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka Abaaraha saameeyeen

London-(SONNA)-Dowladda UK, ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan 10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka…

GudahaWararka
January 17, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023