Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 30, 2025
5 Min Read
Share

Tan iyo xornimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho Madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba Madaxweyne, kuwaasi oo kala ah AUN Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Haddaba Diiwaan gelinta Dadweynaha oo ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa bishan Abriil ee sanadkan, si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmada Shangaani ay si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, taasi oo nasiib u heshay in lagu bilaabo, waxayna safaf dhaa-dheer u galeen sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen, xittaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa waayeello ah ayaa qayb ka ahaa dadweynaha qaatay kaarka isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah maalinteeda koowaad ka bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo codka ah.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horreysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda, iyadoo ay ka socdaan Degmooyinka Hodan,Kaaraan, ,Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, ayay  ka socotay diiwaangalinta codbixiyaasha, si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa, horayna waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda. Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali degmadaada, si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee Dastuuriga ah.

“𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐧𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐢𝐢 𝐈𝐠𝐚 𝐋𝐮𝐧𝐭𝐚𝐲”, waa cinwaan uu qoraalkiisa  ka dhigay Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wrfaafinta.  “Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan”, ayuu sii raaciyay.

Mudane Cadaala oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray, “Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dowlad-la’aantii ku dhacday dalkayga, Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda”.

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loo soo galay dib-u-soo-celinta dowladnimadii naga duntay.

By. C/lahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ergayga Madaxweynaha ee wada hadalada Somaliland oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA) Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la…

GudahaWararka
April 30, 2023

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Muqdisho-(SONNA)-Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo…

GudahaWararka
October 9, 2024

𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐚𝐫 𝐠𝐚𝐚𝐫ka 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐅𝐨𝐫𝐥𝐚𝐧𝐢𝐧𝐢 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐞𝐲

Muqdusho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha…

GudahaWararka
April 20, 2025

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda

Muqdisho(SONNA):-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey…

GanacsigaGudahaSawirroWararka
April 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023