Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah
GudahaWararka

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha “Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.

Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hay’adaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyeed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing

Beijing-China-(SONNA)-Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo howlo shaqo u jooga Jamhuuriyadda dadka…

GudahaWararka
October 30, 2025

Xildhibaan Ilhaan Omar oo ganacsatada ku dhiirigalisay doorkooda waxqabad

Xildhibaan Ilhaan Omar oo maal-mahaan ku sugnayd Magaalada Minneapolis ayaa la kulatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku…

Gudaha
July 6, 2021

Xildhibaanada Galmudug oo diyaar garow ugu jira doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa bilaabay diyaar-garowga doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo…

Wararka
January 12, 2020

Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah, kuwaasi oo ku qotoma wax wada qabsi, sidaasi awgeed ayay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023