Muqdisho(SONNA):- Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo 15-kii bishaan April si rasmi ah looga daahfuray Degmada Shangaani ayaa weli socota, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.
Waa doorashadii dadweyne ee ugu horreysay oo ay dadka Muqdisho isku diiwaangaliyaan muddo 56 sano ah, waxaana falgalka iyo hadalhaynta ballaaran ee ay yeelatay hawsha isdiiwaangelintu ay muujinaysaa sida ay dadku ugu wada faraxsan yihiin.
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 23-ka bisha waxaa isdiiwaangelintu ay ka socotaa degmooyinka kala ah Waabari, Xamar-Jajab, iyo dagmada Cabdicasiis.
Marka laga soo tago Dagmada Shangaani oo martigelisay daahfurka ololaha, waxaa kaloo ay hawshu ka hirgashay degmooyinka Shibis, Xamarwayne, Boondheere.
“Kumannaan shacab ah oo ka badan inta la filaayey ayaa isugu soo baxay isdiiwaangalinta, waana arrin muujinaysa diyaargarowga shacabka Soomaalliyeed ee ka-qeybgalka doorashada Qof iyo Cod” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Qaranka.
Diiwaan-galinta codbixiyaasha oo socon doonta ilaa iyo 15 May ayaa maalmaha soo socda ka billaaban doonta dagmooyin hor leh oo ka tirsan Gobolka Banaadir.