Baydhabo-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa bogaadiyay dedaallada dowlad goboleedka ee la xiriira amniga iyo horumarinta.
Wasiir Beebebeene oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay sii xoojin doonto iskaashiga horumarineed ee Koonfur Galbeed, si wax looga qabto caqabadaha dhaqaale iyo dib-u-dhiska.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, isagoo ballan qaaday in Wasaaradda Qorsheynta ay sii wadi doonto taageerada horumarineed ee dowlad goboleedyada dalka.