Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: SHIRKA 2-AAD EE GOLAHA MAAREEYNTA IYO HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA OO KA FURMAY KISMAAYO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > SHIRKA 2-AAD EE GOLAHA MAAREEYNTA IYO HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA OO KA FURMAY KISMAAYO
GudahaWararka

SHIRKA 2-AAD EE GOLAHA MAAREEYNTA IYO HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA OO KA FURMAY KISMAAYO

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 20, 2024
3 Min Read
Share

Kismaayo-(SONNA)-Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Shirkaan oo ah kii labaad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, ka doodista xog uruurinta Kalluumeysiga dalka, Soo bandhigidda Qorasha 10ka sanno ee horumarinta Kalluumeysiga (10 years fisheries master plan), Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ilaalinta amniga badaha iyo la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa hadaljeedintiisa shirka ugu mahadceliyey Madaweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxmaed Islaam sida heerka sare ah ee uu martigaiyey shirkaan, waxaana uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay mideynta dhammaan howlaha Kalluumeysi ee dalka.

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay aragti cad ka leedahay sida looga faa’ideysanayo mashaariic horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah ee ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga iyo Hirgalinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam khubad ka jeediyey furitaanka Shirkan ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu lee yahay Kalluumeysiga dalka isaga oo ku tilmaamay mid kamid ah ilaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan dalkeenna.

Waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidoo wax soo saar dhab ah looga sameyn lahaa Kalluumeysiga iyo kaa faa’ideysiga kheyraadka badda taas oo uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed uga maarmi karaan deeqaha dibadda loogana gaashaaman karo abaaraha soo noqnoqday iyo saameynta taban ee Isbadalka Cimilada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay isku xirka shaqad dowladda ay kaalin wax ku ool ah ka qaadaneyso in Bulshadu ay helaan shaqo hufan iyo taageerada iyo garab istaagga ay uga baahan yihiin dowladdooda haddii ay ahaan lahayd heer federaal iyo heer dowlaha xubanaha ka ah dowladda Federaalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kenya oo mudda sanada dib u dhigtay Imtixaanada dugsiyada sababa la xiriira COVID-19

Nairobi(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa maanta oo Salaasa ah ku dhawaaqay in imtixaanka Qaranka dalkaasi, aanu qabsoomaynin sanadkan sababa…

CaalamkaWararka
July 7, 2020

Xulka qaran Soomaaliya ee 18-jirada oo guul wayn ka gaaray dhigooda xulka Sudan

Nairobi (SONNA): Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka…

GudahaWararka
November 28, 2023

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Jabuuti oo madaxda IGAD shir aan caadi ahayn ku yeelanayaan

Jabuuti (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo…

Wararka
December 19, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed “SAWIRRO”

Baydhabo (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan,…

Wararka
November 23, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023