Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
    Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan
    June 8, 2026
    Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah
    June 8, 2026
    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca
    June 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka โ€˜Curadโ€™
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ k๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š XFS ๐จ๐จ k๐š q๐š๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ s๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ k๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š XFS ๐จ๐จ k๐š q๐š๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ s๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š
GudahaWararka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ k๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š XFS ๐จ๐จ k๐š q๐š๐ฒ๐› g๐š๐ฅ๐š๐ฒ s๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 6, 2025
2 Min Read
Share

Kigali-(SONNA)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed, ayaa ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah ee ajendaha caafimaadka Afrika (Africa Health Agenda International Conference – AHAIC 2025) oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen ergo gaareysa 15,000 oo ka kala yimid daafaha adduunka isla markaana ka kala socday Wasaaraddaha Caafimaadka iyo hayโ€™adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka oo ka hadlay shirka ayaa muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay Soomaaliya horumarinta nidaamka caafimaadka, xoojinta iskaashiga goboleed, iyo hirgelinta daryeel caafimaad oo loo dhan yahay (UHC) marka la gaaro 2030.

Wuxuu xusay in xoojinta siyaasadaha caafimaadka ay lama huraan u tahay dhismaha nidaamyo waara oo dabooli kara baahiyaha bulshada, isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maalgelinta shaqaalaha caafimaadka ay muhiim u tahay horumarka caafimaadka.

Sidoo kale, Wasiir Kuxigeenka ayaa tilmaamay in iskaashiga dowladda, bahwadaagta kale iyo hayโ€™adaha caalamiga ah uu yahay furaha horumarinta caafimaadka waxa uuna sheegay la dhiso nidaamyo casri ah oo wax ka qabta baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Afrika ay doorkeeda ku leedahay goโ€™aan-qaadashada caalamiga ah, loona baahan yahay in la xoojiyo saamaynta qaaradda ee qaab-dhiska caafimaadka adduunka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli muhiim ah oo caqabado badan ay jiraan, balse Soomaaliya waxay si buuxda uga goโ€™an tahay inay la shaqeyso dalalka kale ee Afrika, si loo horumariyo caafimaad loo siman yahay, loo dhan yahay, laguna dhisayo mustaqbal caafimaad oo waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray

Muqdisho,(SONNA);- Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban-qaabisay Hayโ€™adda UNESCO, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay…

June 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Kampala-(SONNA)-Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku qaabbilay…

GudahaWararka
August 16, 2023

Soomaaliya oo safiir aan dagenayn ku yeelanaysa Belarus

Minsk (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka, ahna safiirka aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Belarus…

GudahaWararka
April 8, 2026

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo Turkiga uga qaybgalay bandhig qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaaamac iyo Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed…

GudahaWararka
October 23, 2024

Maamulka Gobolkaย Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka…

GudahaWararka
October 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023