Muqdisho,(SONNA);- Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda UNESCO, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka JFIT ee ay maalgeliso Dowladda Japan, ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, khubaro iyo daneeyayaal ka shaqeeya ilaalinta hiddaha, dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo kaydinta xusuusta qaran.
Intii uu socday aqoon isweydaarsiga, waxaa lagu soo bandhigay fahamka Barnaamijka Xusuusta Dunida iyo kaalinta UNESCO ee ilaalinta dhaxalka taariikhiga ah.
Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixinno ku saabsan qiimeynta Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho iyo muhiimadda ay leedahay badbaadinta, iyo fududeynta helitaanka dadweynaha ee kaydka taariikhiga ah, kaas oo xambaarsan xusuusta Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1951.
Maalintii labaad ee aqoon-isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray hannaanka loo maro diiwaangelinta xusuusaha taariikhiga ah, u diyaar-garowga Soomaaliya ee ka qeybgalka Barnaamijka Xusuusta Dunida, iyo dhismaha Guddi Qaran oo isku xira dadaallada ilaalinta iyo badbaadinta taariikhda Soomaaliya.
Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdishaakur Cali Axmed, soo xiray kulanka ayaa sheegay in aqoon isweydaarsigan uu yahay bar-billow muhiim ah oo lagu dhisayo fahamka Soomaaliya Barnaamijka Xusuusta Dunida, isla markaana horseedi kara in Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha lagu badbaadin karo kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, diiwaangelintiisa iyo ilaalinta dhaxalka taariikhiga ah ee dalka.
Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay UNESCO, khuburada iyo xubnaha matalayay daneeyayaasha oo soo bandhigay fikradda wax ku ool ah.
Ka qeyb galayaasha ayaa isla qaatay dhismaha Guddiga heer qaran ee xasuusta Dunida iyo iskaashiga badbaadinta dhaxalka taariikhiga ah ee Soomaaliya.
