Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa maanta 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah geysay deegaanno hoostaga degmooyinka Aadan yabaal iyo Al-kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe, dhawaana lagu jabiyay kooxda khawaarijta, si loo gaarsiiyo shacabkii dhibaatada ka soo gaartay colaadii halkaas ka dhacday.
Gaadiidkaan ayaa wada qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawoyin, Teendhooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo iskugu darsoomeen abaaro iyo colaada khawaarijta.