Abu Dhabi-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay madasha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga ee dalalka Carabta iyo waddamada bartamaha Qaaradda Asia.
Madashani ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida uu noqonayo dhaqaalaha mustaqbalka dhow iyo fursadaha maal-gelineed ee muhiimka ah, xilli dunida oo dhan ay wajahayso marxaladaha Isbeddelka Cimillada.