Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ee dowlada Norway u qaabbilsan Soomaaliya Mr Einar Rystad iyo Safiirka dowlada Norway u fadhiya Magaalada Muqdisho Mr Carsten Carlsen.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay in la iska kaashado dardar gelinta howlaha la xiriira ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si halista afkaarahaasi looga badbaadiyo dhallinta Soomaaliyeed ee soo koraya.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dhinacyada milletariga, dhaqaalaha iyo tiirka dhanka fikirka (Ideological Pillar) oo ay hoggaamiso Wasaaradda.