Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysa weerarkii Israel ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysa weerarkii Israel ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa
Gudaha

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysa weerarkii Israel ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 11, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa maanta oo Talaado ah ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah

Mudane Balaal Cusman oo matalayey Dalkeenna ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa ay aheyd sida tan:-

Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta. Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh.

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuh

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daah furtay shirka Dib u eegista iyo Baahinta Maaliyadeed ee Dowladaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho Dib u eegista…

GudahaWararka
February 12, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka

Muqdisho(SONNNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul…

GudahaWararka
February 4, 2026

God gashaa ama Ari raacdaa, waa lagugu soo galay (WARBIXIN)

Ceelbuur waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan marki aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga…

GudahaMaqaallada
August 17, 2023

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeybgalay Munaasabada Caleema-Saarka Gollaha Deeganka Degmada Buur-hakaba

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabada Caleema-Saarka Gollaha Deeganka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka…

GudahaWararka
August 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023