Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo todobaadkaan laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta iyo Horjoogayaasha kooxda ISIS Buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland, kaasi oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu xoojinayay howlgallada is daba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Daacish, iyadoo ay wali socdaan tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka ayaa waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howlgalka lagu ciribtirayo khawaarijta.
Mareykanka ayaa saaray cunaqabateyn ka dhan ah ururka Daacish ee Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2022-kii, isagoo magacaabay xubno ka tirsan kooxda Daacish iyo shabakad lagu eedeeyay inay ku lug leedahay hubka gacanta u gala kooxaha Argagixisada ah.
Haddaba Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay jirto kalsooni sii kordhaysa in hogaamiyaha Daashic uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa noqonaya hoggaamiyihii shanaad ee kooxda tan iyo dilkii Abu Bakr al-Baghdadi. Kooxdan oo mar ka talineysay dhul ballaaran oo ka mid ah dalaka Ciraaq iyo Suuriya, sidoo kalena saameyn weyn ku leh dalal ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa loo arkaa inay tahay meesha ay saameynta muuqata ku leeyihiin.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa saldhigooda ugu weyn ku leh buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland dhawaan ka bilaabeen guluf dagaal oo loo arko kii ugu xooganaa oo ciidamada Puntland iyo kooxda dhexmara. Cabdulqaadir Muumin oo muhiim u ah howlgallada caalamiga ah ee Daacish shaki kuma jirin, sida Warbixinadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ay soo jeediyeen in la dalacsiiyay, si uu u hoggaamiyo Wiilaayada aaminsan fikirka xag jirka ah, taasoo si dhaba u siinaysa xakameynta faracyada kooxda ee Afrika, sida lagu xusay warbixinta kooxda.
Tan iyo geeridii hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi 2019-kii, kooxda ayaa isku dayday inay ilaaliso hogaamiyeyaashooda iyagoo qarinaya aqoonsigooda iyo sidoo kale yareynta muuqaalada dadweynaha. Sanadkii 2022-kii kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyihii Ururkaasi Abuu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, waxayna badalkiisa u magacaabeen Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Haddii Abu Hafs uu yahay Mumin ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka badbaaday ugu yaraan hal isku day dil oo duqayn hawada oo Mareykanka fuliyey bishii May 2024-kii, sida lagu xusay warbixinta.
Haddaba aan wax yar ka xusno taariikh nololeedka Cabdulqaadir Muumin, Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii 50-yadii, wuxuuna ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari, isagoo dhammaadkii 90-yadii galay qaarada Yurub, xilligii dagaalada culusi ka socdeen Soomaaliya, wuxuuna tegay dalka Sweden , isagoo markii dambe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska. waxaana la sheegaa inuu ka mid noqday dadkii deganaa magaalada Leicester, kadib waxa uu ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-kii, sida laga soo xigtay sarkaalka la hadlay BBCda u sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tegay Muumin, magalada Bosaaso ee gobolka Bari.
Sarkaalka ayaa sidoo kale u sheegay in BBC da in markii Maxaakiimta iyo Al-Shabab ay kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sanadkii 2007-kii markii kooxda Al-shabaab xubnahadooda laga unkay Puntland, isagoo ku dhuumaalaysan jiray, balse markii dambana galay buuraha isagoo al-shabaab ah.
Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay, waxaana la sheegaa in Xaaska Cabdulqaadir uu ka soo guursaday dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC da in ay mar gacanta u gashay hay’adooda xilli ay ka soo laabaneysay buuraha Galgala, ugu dambeyntii sanadkii 2015-kii ayuu Cabdiqaadir Muumin xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya, taasi waxaa xaqiijinaya Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka dambeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeenmuuqaal tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland.
Sida ay sheegeen milatariga Maraykanka duqeyn laga fuliyay dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari ayaa dadkii halkaa ku dhintay uu ka mid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarrada, laakinse lama sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaallamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta, kuwa la tuhmayo inay halkaasi ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Faahiye wuxuu Al shabaab ka soo wareegay 2015-kii. iyagoo si isku mid ah, Isaga & Madaxda ISIS ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku wakhti ka soo goostay kooxda, xiligaas oo ay wateen 15 nin oo ilaalo ah oo kaliya, waxayna saldhig ka dhigteen buuraleyda Cal-Miskaad ee u dhow Qandala, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay madaxda Daacishta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabduqaadir Muumin.
Maraykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay Ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso 23-kii May 2017-kii, kaasoo ahaa qarax laga fuliyay Bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen shan Ruux. Maraykanka ayaa ninkan u haysta inuu diyaariyo weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Faahiye oo ah ku xigeenka uu ku guulaystay in bil qura ah uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasoo mushaar ahaan loo siiyay dagaalyahannada Ururkaasi.