Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”

By Bile
Last updated: July 6, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Khudbad madaxweynuhu uu jeediyay mudaneyaasha labada Gole ayaa uu uga warbixiyay xaaladda dalka, isaga oo ka dalbaday in howlaha horyaalla uu Baarlamaanku u guto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka JFS ku bogaadiyay dardargelinta qodobada qabyada u ah sida qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka oo cutub kamid ah lagu dhammeystiray kalfadhigii 4-aad ee kan ka horreeyay.

“Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah kooxda khawaarijta ayaa tilmaamay in deegaannaddi laga xorreeyay argagixisada ee uu dhawaan  uu booqday inay ka muuqdaan isbeddel dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.

“Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka been abuurka ah ee tibaaxaya in dowladdu wadahadalo la fureyso kooxda khawaarijta ee shabaab, waxaana uu yiri “Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo”.

Dhan kale mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wadahadalka ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkigu ee ay isugu yeertay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu yahay codsi ka yimid dowladda Itoobiya balse Itoobiya aysan beddelin mowqifkeedii ku xad-gudubka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasina ay keentay in gogosha la madlo mar kale iyada oo aanan ka wada hadal.

“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

 

 

TAGGED:Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida”
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda…

GudahaWararka
May 3, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Xooga dalka…

Wararka
April 3, 2023

20 ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay Deegaanka Goof Gaduud tiro intaa ka bandanna lagu dhaawacay.

Muqdisho (SONNA)- 20 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Goof Gaduud oo qiyaasti 30 km ujirta magaalada Baydhabo…

Wararka
December 23, 2019

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023

Muqdisho(SONNA);-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan ,sedax xildhibaan ayaa diiday…

GudahaWararka
October 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023