Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Azerbaijan , Mudane Yalchin Rafiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga, iyadoo si gaar ah loo faaqiday fursadaha maalgashi ee istiraatiijiga ah ee la jaanqaadaya qorshaha isbedelka Qaranka (QIQ) kuwaas oo dhiirrigelinaya kobac dhaqaale oo joogta ah.