Muqdisho(SONNA);-Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tajikistan Fatxudiin Cali Maxamed ayaa kulan muhiim kula yeeshay magaalada Dushanbe ee caasimadda dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Rahim Saidzoda.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhanka waxbarashada ah oo ay yeeshaan laba dal.
Inta uu socday kulanka waxa ay labada masuul kala saxiixdeen isafgarad (MOU) ku saabsan iskaashiga dhanka waxbarashada ah.