Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025
Gudaha

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

By Khadar Mahdi
Last updated: January 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA):– Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

• Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.

• Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.

• Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

SoDMA iyo FAO waxay sheegeen in:

• Qaar badan oo ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland oo ka da’o roob ka hooseeya intii la filayey, iyadoo degmooyin qaar sida Dangoryo ay heleen oo kaliya 7% bar-tilmaameed roobabkii la filayay.

• Deyrta aan hagaagsaneyn iyo Jiilaalka kulul ay sababi karaan biyo yari daran, dhulka oo qalala, iyo in dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda uu hoos u dhaco.

• Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo barakac baahsan, cunto yari, iyo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ka dhasha abaarta.

• Xaaladda la filayo inay dhacdo waa mid lagu tilmaamay inay la mid noqon karto abaarihii adag ee dhacay sannadihii 2017 iyo 2021.

Talooyinka SODMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SODMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

• Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.

 

• Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.

 

• Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.

• Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

FAO iyo SODMA ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay mashruuca iskuxirka hanaanka casriga ah ee gobolka bariga Afrika

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedeka Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧…

GudahaWararka
January 30, 2024

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumeysiga gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar…

GudahaWararka
November 21, 2023

Garoonka Muqdisho oo lagu qabtay lacag sharci darro dalka ku soo gashay.

Ciidanka Booliiska ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta gacanta ku dhigay lacag aan la shaacin cadadkeeda taa…

GudahaWararka
April 18, 2021

Kooxdee hanan doonta koobka tartanka kubadda cagta dagmooyinka gobolka Banaadir ?

Muqdishu-(SONNA)- Galabta waxaa la filayaa inay garoonka Eng.yariisoow ay isku wajahaan ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kubadda cagta dagmooyinka…

GudahaWararka
November 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023