Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 29, 2025
7 Min Read
Share

Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo jireen abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu kaga dhuumanayso deegaanada gobolka Hiiraan, waxaana la xasuusan yahay in meeshaasi ay aheyd deegaannadii ugu horeeyay ee uu ka bilowday ama lagu tijaabiyay in la is ka dhicin karo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab muddo haatan laga joogo in ku dhow sanad iyo bilooyin.

Agaasimaha Hayaโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdillaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo ay weheliyaan Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidamada deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ku sugnaa waqtigaasi furimaha hore ee dagaalka ayaa amarkii ugu dambeeyay ee dagaalka faray waqtigaasi Qeybaha kala duwan ee Ciidamada. Agaasimaha Hayaโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo halkaasi kala hadlay Ciidamada ayaa yiri โ€œWixii hadal iyo diyaargarow ahaa waa dhamaadeen, diyaar noqda dagaalka waa galeynaaโ€.Maalmaha soo aadan guud ahaan Hirshabelle waxaa dib uga bilaaban doona howlgalka cirib tirka kooxda Khawaarijta.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah. Haddaba Goobaha ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey ee gobolka Hiiraan, iyadoo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalladan ku dileen malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxanay ciidanku burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa cadowga.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Khawaarijta.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka, si looga ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo ee howlgaladda ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay sii wada howlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta, waxaana howlgalka oo xooggiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo ciidamada maalintaasi gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan Wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar, waxaana ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomaaliya, iyadoo ay dhanka kale Saraakiisha ay tilmaameen in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Magaalada Masagawaa ee Bariga Galguduud ayaa 25-kii bishan dharbaaxo xooggan ayay ku dhufteen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo duulaan la sii ogaa ku soo qaaday magaaladaasi, waxayna kooxdu halkaasi loogu dhigay cashar lama ilaabaan ah, iyagoo kuwii weerarka soo qaaday laga dhigay wax la dilay, wax la dhaawacay iyo kuwa Cagaha wax ka dayay ( Baqo dhabarka jeediyay).

Dhinaca kale waxaan la soconaa in howlgal lagu ciribtirayo Argagixsada uu ka socday maamul goboleedka Puntiland, waxayna wararkii ugu dambeeyay ay tibaaxayaa in Ciidanka Daraawiishta Puntland ay khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal loโ€™aad iyo isha-Siido ee gobolka Bari.

Howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Daacish ee ka socda gobolka Bari ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan, iyadoo laga saaray goobo muhiim u ahaa oo ay ka mid tahay Taliskii Tuursamaale ay ku lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland Soomaaliya ayaa wali halkaasi ka wada Howgallada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo Saraakiisha Hoggaanka u ah Ciidanka ay sheegeen in gobolka Bari oo ah mid ka Soomaaliya oo dhan laga saari doono kuwa dhagarta badan ee dalka ku soo duulay.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalka Hillaac, oo ujeedkiisu yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, ayaa ย ku guuleystay inay la wareegaan taliskii muhiimka ahaa ee Tuulada Tuursamaale.Taliskan, oo ahaa fariisin istiraatiiji ah, ayaa ku yaallay bartamaha buuraleyda Calmiksaad ee gobolka Bari, kana mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ee deegaankaasi.

Qabsashada taliska Tuursamaale ayaa loo arkaa guul weyn oo ka soo hoyatay howlgalka, waxaana lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda Daacish, oo taliskan u adeegsan jirtay sidii xarun ay ka soo abaabulaan dhagarta iyo dhibaataynta shacabka deegaanka. Inta aan la qabsan taliska Tuursamaale, waxay ciidamada Daraawiishtu cagta mariyeen saldhig difaaca u ahaa, oo lagu magacaabo Janajiifta.

Guushan cusub waxay ka dhigaysaa Tuursamaale taliskii ugu weynaa ee laga qabsado Daacish tan iyo bilowgii howlgalka Hillaac, taasi oo sare u qaadaysa rajada shacabka ee ku aaddan in laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah guud ahaan gobolka Bari.

Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab waxa uu ka bilowday degaanno ka mid ah Goboka Hiiraan batamihii sanadkii 2022-kii, kadib markii ay shacabku u adkeysan waayeen dilkii,caga jugleynta, boobka Xoolahooda iyo dhaqan xumada ay ku hayeen, waxaana markaasi uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud in dagaal lagu qaado Kooxda Khawaarijta ah, iyadoo muddo hal sano ah lagu xoreeyay in ka badan Kun Kiilo miter oo dherer ah meelo isugu jira magaaloyin, Degmooyin iyo deegaanno fara badan. Hadalkii ugu cuslaa waxaa hadalka jeediyay Cali Jeyte Cusmaan oo markaasi ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan kaasi oo ahaa โ€œ Shabaab waa Bur-Burayโ€.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka arrimaha baniโ€™aadannimada Soomaaliya oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)-Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya (CHF 2025) oo ay soo qaban-gaabisay Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa ka furmay magaalada Baydhabo…

GudahaWararka
August 6, 2025

Wasiir Biixi oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda…

GudahaWararka
March 3, 2025

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatayย Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane…

GudahaWararka
May 5, 2025

Wasiirkaย Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan…

GudahaWararka
October 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023