Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Maxamed Ibraahim Cali oo loo heysto in uu ka mid yahay Magafayaasha tahriibiya muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Maxamed Ibraahim Cali ayaa lagu eedeeyey in dad badan uu u tahriibinayay dalka Biniin, halkaas oo jir-dil loogu geystay, madax furashana loogu xirtay.