Baladweyne (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada hawlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta.
Hawlgalka oo xoogiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo ciidamada maalintii shalay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey
Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar.
Ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomalia.
Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.