Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa diray fariin ku aaddan maalinta warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.

Maanta waxay ku astaysan tahay xuska guul taariikhi ah oo umaddeena u soo hoyatey muddo ahaan laga joogo 52 sanno kana tarjumeysa muhimadda xaqiijinta warbaahin bulshada u adeegta iyo xoojinta hiddaha iyo dhaqanka aan leenahay oo luuqaddu ugu horeyso.

Munaasabadan qaaliga ah ee maalinta warbaahinta Soomaaliyeed, waxa aan u dabaaldageyno ma ahan oo keliya horumarka ballaaran ee warbaahinteenu sameysay, balse waxaa iyana ku hoos jirta maalin aan la ilaabi karin oo taariikhi ah, taas oo ah daah-furka wargeyskii ugu horreeyay ee ku qoran afkeenna Soomaaliga oo udub dhexaad u ah jiritaankeena ummadnimo.

Taariikhdan mugga weyn leh, waxay astaan u tahay sida ay inooga go’an tahay ilaalinta aqoonsigeena, hiddaha, dhaqanka iyo sheekooyinka hodanka ah ee qeexaya sawir cadna ka bixinaya dhaxalka ma guuraanka ah ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.

Af-soomaaligu ma ahan oo keliya mid aan xiriirkeena ku adkeyno, balse waa doon weyn oo ay ku raran yihiin sheekooyinkeena, taariikhdeena, halgankeena, iyo himiladeena.

In Wargeyskii ugu horeeyay lagu qoro Af Soomaali muddo haatan laga joogo nus qarni, waxay noqotey tallaabo loo aayay oo suurageliyay codka bulshadeena la maqlo, sheekooyinka iyo taariikhda aan leenahayna lagu sheego afkeenna hooyo.

Waxaan bogaadinayaa saxafiyiinta, tifaftirayaasha, iyo cid kasta oo weli meesha kasii wadda hawshan mudddada dheer soo socotey.

Waxaa dhammaanteen waajib uu inaga saaranyahay inaan sii casriyayno shaqadan muhiimka ah, kuna soo darno qeybo adkeynaya midnimadeena, is-dhexgalka bulsho iyo reebista dhaxal mustaqbalka u horseedi doona jiilasha soo socda inay dareemaan in looga tegay taariikh mudan in mar walba la ilaaliyo, si gaar ahna loo qiimeeyo.

Inagoo haddaba u dabaaldegayna xuskan weyn, , ayaan haddana waxaan caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta mabaadi’ida xoroyadda hadalka iyo fikirka, iyo welliba xaqiijinta helista xogta ee shacabka ay xaqa u leeyihiin.

In la helo warbaahin tayadeedu sareyso oo bulshada waxa san u bidhaamineysa, xumaantana uga digta, ayaa waxay sal u tahay hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed oo isla xisaabtan ku dheehan.

Waxaan mar kale leeyahay hambalyo bahda saxaafadda, isla markaana ugu baaqayaa dhamaan bahda saxaafadda in ay xaqiijiyaan jiritaanka warbaahin tayadeedu sareyso, oo xambaarsan anshaxa iyo xirfadda saxda ah ee mihnaddan ay mudan tahay, iyagoo maanka ku haya inay indho u yihiin bulsho u ooman xog sax ah oo wax dhisaysa.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada amniga oo soo af jaray weerar koox ka tirsan Khawaarijtu ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho (SONNA) Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir. Ciidamada amniga oo…

GudahaWararka
January 22, 2023

Kumaandooska Danab oo hawlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Jubada hoose

SONNA (MUQDISHO)- Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorsheysan Waxa ay Ka fuliyeen Deegaanada kala ah…

GudahaWararka
February 6, 2022

Taliska xoogga dalka oo sheegay in howlgal gaar ah lagu dilay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Muqdishu-(SONNA)-Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab,gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay  degaanka Leego ee…

GudahaWararka
September 28, 2020

In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eylo oo ka…

Gudaha
January 9, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023