Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.
    July 25, 2025
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay maleeshiyaad khawaarij ah
    July 25, 2025
    Qatar Charity oo sheegtay in ay sii wadeyso kaalmada la siiyo barakacayaasha Soomaaliya
    July 25, 2025
    Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka
    July 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 12, 2025
6 Min Read
Share

Iyadoo shalay galabta uu Madaxweynaha Soomaaliya DR: Xasan Sheekh uu gaaray dalka Itoobiya, ayaa waxaa isla shalay War murtiyeed laga soo saaray shirka Guddiga isku dhafka ee Isbaheysiga Seddex geesoodka ee Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya, Eritrea iyo Masar oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Seddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka, waxaynaย Seddexda Wasiir ay soo dhoweeyay horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga dalalkooda si loo gaaro amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sidoo kale Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hayโ€™adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda, waxaa kaloo ay ka wada hadleen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Ugu dambeyn Eritrea iyo Soomaaliya ayaa waxay taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani, waxaana la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka seddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, waxay kaloo ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeynta Seddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga Seddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhinaca kale Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada addis Ababa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku tegay magaalada Addis-ababa ee carigaย  itoobiya, iyadoo Labada hoggaamiye ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Madaxda laba dal ayaa soo saaray War-saxaafadeed, waxayna Hoggaamiyeyaasha isku raaceen in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya, iyada oo loo marayo dib u howlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay adkeeyeen in xasilloonida gobalka ay aas aas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hayโ€™adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal, iyadoo ugu danbayntii, waxa ay Madaxdu waxay adkeeyeen sida ay uga goโ€™an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha diploomaasiyadda caalamka ayaa tibaaxaya โ€œNin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.โ€ iyagoo ku tilmaamay soo dhaweynta loogu sameeyay Madaxeynaha Soomaaliya, โ€œSoo dhoweynta noocana waligeed Madaxwayne Soomaaliyeed looguma samaynin Taariikhda inta la ogyahay. Meel walba Caalanka Soomaaliyeed iyo Sawirada Madaxwaynaha Jamuuriyadda Soomaaliya ku dhaggan dhammaan faras magaalaha Addis Ababa.

Marka Dadka wax taxliiliya ayaa qaba โ€œIn saas loo soo dhoweeyo, iyadoo waliba magaalada Qaahira ee dalka Masar ay shalay heshiis ay kala sixiixdaan wadamada Soomaaliya, Masar iyo Eretareeya, waxaa sababay guushii uu Madaxweyne Xassan Sheikh ka gaaray dagaalkii diblomaasiyadeed ee innaga iyo Ethiopia innaga dhex qarxay 1-dii Janaayo ee sanadkii tegay. Ethiopia way ka noqotay heshiiskii laab-la-kaca ahaa, waxayna diyaar u tahay in ay Soomaaliya ixtiraamto, sida ku cad War-saxaafadeedkaโ€. Haddaba sow ma oran karno Dowladda Soomaaliya ayaa gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed.

 

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dood ku saabsan doorashada qof iyo codka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Qaar kamid ah ururada bulshada ayaa ka qeybgalay dood wadaag lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Daah furka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Muqdisho(SONNA):-Daahfurka warbixinta sahanka miisaaniyadda qoysaska Soomaaliyeed ee 2023 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Xafladda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay,…

GudahaWararka
February 20, 2023

Dowladda FS oo soo afjartay howl-galkii ka socday degmada Guri-ceel+Sawirro

Guri-ceel-(SONNA)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen Kooxda…

GudahaWararka
October 27, 2021

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Madasha Caalamiga ah ee Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Adduunka

Qaahira-(SONNA)-Wafdi ka socda Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-23) oo uu…

GudahaWararka
June 7, 2023

Shamsa Cabdulqadir Daahir oo loo magacaabay La-taliye sare ee Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iiโ€™sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaaย  Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir u magacaabay La-taliye sare ee…

GudahaWararka
October 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023