Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya Xubinnimada Golaha Ammaanka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 6, 2025
6 Min Read
Share

Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee Golahaasi, waxaana bilowday Xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, โ€œWaxaa naga goโ€™an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.โ€
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah.

Mudane. Abuukar Baalle ayaa Golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay heysato. โ€ Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee sii xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku heyso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxaana ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,โ€.

Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiriโ€ Dadka Rayidka ah ee u badan Haween iyo Carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro baโ€™an oo soo food saartay, xaaladdaasi in si deg deg ah looga feejignaado,โ€.

Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas, wuxuuna sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.

โ€ Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.

Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo.

โ€ Waxaa ka mid ah Argagixisada sida hadda Madaxweynahu sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa waxaa dhici karta in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaasi sano aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta Ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo Wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,โ€.

Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna Madaxweynuhu ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u aheyd bilowga shaqada Soomaaliya ee Golahaasi.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto, wuxuuna sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Haddaba maxaa laga doonayaa inta ay ku fadhiso Soomaaliya Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

By. Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka oo iska kaashanaya ololaha Diiwaangelinta

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose…

GudahaWararka
July 17, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweyay Caasimadda Aljeris

Algiers-Algeria 02,May, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaanno…

GudahaWararka
May 2, 2025

Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda oo ka qayb-galay shirka dhaqaalah Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA)-Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Bilaal Cismaan ayaa maanta calanka Soomaaliya ka taagay xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee…

GudahaWararka
December 18, 2021

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi…

GudahaWararka
August 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023