Muqdisho, (SONNA): – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee “Muqdishada Cusub,” kaas oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda.
Marwo Fardowsa ayaa sheegtay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ah.
“Anaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,” ayay tiri wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka. Waxay sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.
“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaas ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,” ayay raacisay wasiirka.
Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.
Wasiirka ayaa ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.