Muqdisho.(SONNA):- Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas oo waretsi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyay guusha diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka gaartay shirkii Ankara iyo halgankii Soomaaliya u gashay difaaca qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.
Aqooyan Faysal Rooble ayaa marka hore sheegay in shirka Ankara uu daba-socday shirar kan ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo gogol xaar u ahaa shir labaad oo Ankara ka qabsoomay, kaas oo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada ee Soomaaliya iyo Itoobiya,laakiin shirka saddexaad oo dhacay 12 December 2024, kaas oo go’aan kama dambeys oo heshiis lagu gaaray laga soo saaray.
”Sida la socoto shirkan Ankara wuxuu daba socday shirar ka horeeyay oo kii ugu horeeyay Nairobi ka bilowday oo inaba ambaqaadin, kii labaad Ankara ayuu ahaa runtii inkastoo is-hor-fariisan mas’uuliyiinta labada dal, laakiin loo kala warqaadayay,islamarkaana qodobada muhiimka ah shirkaas lagaga hadlay la iskuna afgaran waayay dhinaca loo socdo,shir kalaa ka dambeeyay isagana waa cakirnaa go’aan lagama gaarin, is-afgarashana lama helin, balse waxaad mooddaa midba midka ka dambeeyay inuu uย sii gogol xaarayay kan hadda Ankara ka dhacay 12 December 2024, kaas hadda waxa ka soo baxay Bayaan heshiisna ma ahan,MOU,heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ma ahan waa Bayaan caddeynaya labada dhinac in ay is-afartaan oo dhibtii ka dhaxeysay ka heshiiyaan oo meel lagu ogaado heerkaas ayaa la taagan yahay,”.
Sidoo kale, Aqoonyahan Feysal Rooble ayaa wareysigiisa si qoto dheer kaga hadlay nuxurka heshiiska labada ay ku gaareen magaalada Ankara, kaas oo uu garwadeyn ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey.
” Qacda ugu horeysa waxaa weeye in Itoobiya shirarkii ugu horeeyay ee la isugu yimid dib uga laabatay luqmatul xajarka dib u liqday dhaqaaqday arrimihii ay ku dhegneyd oo aanay xaq u lahayn,markaa shanta qodob ee muhiimka ah ee meesha ku tuugan, midi waa kan sheegay oo hadda ima hor yaalo, laakiin arrimaha ugu waa saddex koow Itoobiya shirarkii la isugu yimid laga soo bilaabo maalintii Kenya ilaa kuwii aan joogay ilaa kan maanta waxaa intaa diidaneyd erayga oranaya muqaddasnimada midnimada Soomaaliya, doorkan sida aan warka ku hayo is-jiid-jiid badan iyo is-riix-riix badan oo Aby ka dhaqaaqi waayay ugu dambeyn wuu saxiixay, waxay u diidayeen midnimada Soomaaliya in ay muqaddas tahayna wax kalaa miiska u saaran,”.
Kulanka Ankara ee dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya, dhammaan qeybaha kal duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay heshiiska iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u difaacay qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida dalka.