Muqdisho.(SONNA):- Maanta waxa ay ku astueysan tahay sanad-guuradii 64-aad ee xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, iskaashigaas oo sii xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu xiriirkaas soo bilowday 14-kii Diseembar 1960-kii, wax yar kadib markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay,wuxuuna xiriirka labada dal ku dhisan yahay is-aaminaad, is-ixtiraam iyo wadaagidda horumarka iyo himilooyinka.
Bishii Sebtembar 2024, xiriirka labada dowladood ayaa sare loo qaaday oo la gaarsiiyay heerka iskaashiga istiraatijiyadeed ka dib kulan muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha. Marxaladdan muhiimka ah waxay ka tarjumeysaa xiriirka qotada dheer ee ku saleysanย wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka horumarineed ee labada dhinac.
Ra’iisal wasaare Zhou Enlai wuxuu ku sifeeyey Afrika inay tahay qaarad “kobceysa oo u jiheysan horumar iyo isbedel” ka dib, booqashadii uu ku yimid Soomaaliya horaantii, 1960-meeyadii, wuxuuna si qoto dheer uga sheekeeyay isbeddelka ballaaran ee ka muuqda Soomaaliya, sidoo kale, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyayโโ Soomaaliya waxay aqbashay oo ay cagta saartay waddadii horumarka iyo isbeddelka, iyadoo iskaashi buuxa la yeelatay Dowladda Shiinaha si ay u gaarto himiladeeda ku aaddan horumarka iyo barwaaqada.
Iyadoo loo dabaaldegayo sanad-guurada 64-aad, Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga muhiimka ah ee faa’iidada u leh labada dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii Sebtembar ee sanadkan magaalada Beijing uga qeyb galay shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC), ayaa sheegay in ay sare u qaadeen xiriirka kala dhaxeeyo Shiinaha ka dib, kullan gaar ah uu la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping .