Addis Ababa, (SONNA): Xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa ka socota doodda musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Musharixiinta, oo goor horeba liiskooda la shaaciyey, ayaa ku tartamaya xilka ugu sarreeya ee ururka.
Saddexda musharrax ee xilkan u loolamaya ayaa kala ah Maxamuud Cali Yusuf oo ka socda Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo matalaya Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ka socda Madagascar. Qaybtii hore ee doodda musharixiinta ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo laga sugayo in doodda loo gudbiyo wareegga labaad.
Wareegga labaad ee doodda ayaa diiradda saari doona musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Afrika. Musharixiinta xilkan u taagan ayaa kala ah Salah Francis iyo Selma Malika oo Algeria kasoo jeeda, Amb. Mohamed Ahmed Fathi iyo Dr. Hanan Morsy oo ka socda Masar, Najat M. Elhajjaji oo Libya kasoo jeeda, iyo Latifa Akharbach oo Morocco metelaysa.
Waxaa la filayaa in doodaha iyo tartanka ay horseedaan go’aan muhiim ah oo saameyn ku leh hoggaanka mustaqbalka Midowga Afrika.