Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Axmed Madoobe oo Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada kaligii ka haray’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Axmed Madoobe oo Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada kaligii ka haray’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Axmed Madoobe oo Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada kaligii ka haray’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 7, 2024
8 Min Read
Share

Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxuu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cad-cad siyasaadda gobollada Jubbooyinka oo magaalada ugu weyn ee Kismaayo dekeddeeda dhaqaale badani ka soo baxo. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa waxaanu madax ka ahaa isla magaaladaa Kismaayo ilaa intii ay ciidamada Itoobiya ridayeen maamulkii Maxkamadihii sannadii 2006-kii.

Sannadkii 2007-dii waxa xiray ciidamada Itoobiya oo ku hayey Hotel Giyon oo ku yaal magaalda Addis Ababa, waxaa lagu sii daayey wadahadallo uu ku aqbalay in xil looga magacaabo xukuumaddii Sheekh Shariif Axmed, laakiin markii dambe ayuu ka goostay oo uu diiday xilkii looga magacaabay.

Sannadkii 2008-dii, maleeshiyadii Raas Kaambooni oo uu hogaankeeda ka mid ahaa, oo ay isbahaysanayaan Al-Shabaab ayaa hadana magaalada Kismaayo dib u qabsaday.

Muddo ka dib waxa uu bilaabay in ay labadii Urur ee hubaysnaa ku loollamaan gacan ku haynta magaalada, ugu dambeyntiina waxaa si buuxda Kismaayo iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda gacanta ugu dhigay Al-shabaab, sannadkii 2009-kii.

Mar kale ayaa hadana bishii Sebtember sannadkii 2012-kii ayaa Al-Shabaab ay magaalada Kismaayo ka saareen ciidamada Kenya, oo hadana Axmed-Madoobe noqday xubin muuqata oo ka tirsan maamulkii maxalliga ahaa ee magaalada loo sameeyey.

15 May 2013-kii wuxuu ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee maamulkii Jubbaland ee la dhisay oo khilaaf badani ka dhashay, hase yeeshee waxay warbaahintu waagaa tabinaysay warar is burinaya oo qaarkood ay tibaaxeen ba in uu isagu isku cumaamaday hoggaanka maamulkii la dhisay oo uu “xoog ku maroorsaday”, inkasta oo ay isla markiiba maamulkiisa taageereen dawladaha Kenya iyo Itoobiya, hadana xukuumaddii Federaalka aheyd ee Soomaaliya muddo dhowr bilood ah ayay ku qaadatay in ay aqbasho, waxana khilaafkii dhex yaallay markii dambe lagu dhameeyay dhexdhexaadin uu galay ururka IGAD.

Qiyaastii afar bilood ka dib, 13 Sebtember 2013-kii ayaa kolanyo uu watay waxa ku qarxay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey isaga oo maraya Kismaayo gudaheeda waanu ku dhaawacmay. Weerarkaana waxa sheegtay Al-Shabaab.

Xilalkii uu soo qabtay:

  • 2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.
  • 2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam
  • 2010: Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.
  • May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.
  • 2013 – August 2019 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.
  • 22 August 2019 waxa mar kale loo doortay madaxwenaha maamul goboleedka Jubbaland.

Doorshadan waxa hareeyay khilaaf badan, waxaanay qaar ka mid ah mucaaradku ku eedeeyeen in ay aheyd hannaan isaga u xaglinayey, waxaana xusid mudan in ‘Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada waxaa ka haray keligii’.

“Waxaa naga go’an in dalkaan doorasho qof iyo cod ah aan ka qabano, cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay arrinta Axmed Madoobe ayaa intaasi raaciyay “Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo kamid ah maamulkaas ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.”.

‘Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyada waxaa ka haray keligii’

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hoggaamiyihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo mar walba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhammeyn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada salaaddii Jimcaha kaddib ayaa ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Madoobe waxa uu qeyb ka ahaa heshiisyadii ay wada gareen golaha watashiga qaran, waana diiday wado kasta oo xal aheed, Axmed Madoobe 13-sanno ayuu jogaa Jubbaland waligiis hal deegaan ama tuuulo oo ka mid ah maamulkaasi ma xoreeyn, Kismaayana waligiis dhinac uma dhaafin.”, wuxuuna ku adkeystay in dowladdu aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, wuxuuna MadaxweyneDr: Xasan Sheekh ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

Mar uu taariikhdiisa ka hadlaayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xal siyaasadeed waligiis uusan xoog ku doonin, taariikhna u laheyn, uuna diyaar u yahay in uu isaga tago,

Dad siyaasiyiin ah ayaa ku doodaya in in ay khalad tahay in ciidan la geeyo dhamaan dhulka Soomaaliyeed, balse Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka in goobo dalka ka mid ah la yiraahdo ma imaan kartiin inaysan taasi sax aheyn, isagoo caddeyay in ay joogaan inta badan Deegaannada dalka, inta dhimanna la geyn doono.

Madaxweynaha oo ka sheekeynayay taariikhda ay isla soo mareen ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo mar walba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhammeyn, wuxuu sidoo kale xusay in Axmed Madoobe uu diiday wada-hadallo la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo muddo xileedkiisii hore dhamaaday, ‘ inta uu haayay talada Jubbaland ma uusan xureyn degmo ka mid ah maamulkaasi, islamarkaana waxa uu ka hor yimid dadaallada dowladda ee dib u xorreynta dalka, isagoo amray inay ciidammo weerar ku qaada kuwa Qaranka ee ku sugan Raas Kaambooni’.

Mar walba Ciidan uu u soo diro Deegaanka Raaskaambooni waxay si tarab tarab ah ugu tagayeen, iyagoo goostay inay ku biiraan ciidanka Xoogga Dalka, si ay xuquuqdooda ka maqneyd muddo 13 sano ah u helaan, si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamadii la amray inay weeraraan kuwa Qaranka ay diideen amarka Axmed Madoobe, isla markaana ku biireen howlgalka ka socda Jubbaland, wuxuuna ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay Shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo Qof iyo Cod ah, taasi oo muhiim u ah mustaqbalka iyo geeddi socodka  Dalka.

Ugaaska Guud ee Beesha uu ka dhashay Axmed Madoobe ayaa yiri ”Axmed Madoobe Sharci daro ayaad ku jogta Jubaland lagana aqbali maayo, wuxuuna intaasi raaciyay ‘ in Axmed Madoobe uusan aheyn Jubbaland, Jubbalandna aysan  aheyn Axmed Madoobe’.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Dowladaha Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay James Swan

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha…

GudahaWararka
January 25, 2026

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada oo maanta kormeeray waaxda (PRA) ee Gadiidka Rayidka.

Muqdisho(SONNA):-Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada ahnna  Wasiiru'dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Xildhibaan Maxamed Cumar (Cananuug) ayaa  maanta…

GudahaWararka
January 2, 2023

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulammo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb-galay Mareykanka

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka…

GudahaWararka
April 19, 2024

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay dhigiisa dalka Azerbaijan

Baku (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula…

GudahaWararka
September 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023