Muqdisho (SONNA) – Guddoomiyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-degga ah ee NEOC waxa uu tababar muddo 5-cisho socday ugu soo xiray 39 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha SoDMA iyo Hay’adda Qatar charity.
Tabarkaan waxaa hayโadda SoDMA ka gacansiinayay hayโadda Qatar Charity, waxaana inta uu socday lagu bartay u diyaar garowga sida loola tacaalo arrimaha la xariira Musiiboyinka, si gaar ah aqoonta aas-aasiga u ah fahamka u diyaar garowga iyo ka jawaabista degdegga ah iyo hanaanka caalamiga ah ee yareeynta qataraha Musiiboyinka.
Siminarkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda, SoDMA ee ah in ay si wax ku ool ah uga jawaabto caqabadaha kala duwa ee soo food saara shacabka Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, waxaana xiritaankiisa guddoomiyaha ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity iyo masuuliyiin kale.
Mid ka mid ah ardaydii siminaarka loo soo xiray, macalimiintii bixinayay iyo lataliye sare hayโadda Dr Cabdiraxmaan Waxiid ayaa ka mahadceliyey qabashada siminaarkan.
Guddoomiyaha Hay’adda qatar Charity Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay inay joogteynayaan tababarada nuucaani oo kale ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka ka faa’iidaystay in aqoonta la baray ay bulshada ugu adeegaan.