Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan QM Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan QM Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan
Wararka

Dowladda Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan QM Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 11, 2020
5 Min Read
Share

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyo baahiyaha arrimaha Beni’aadannimada sanadka 2020-ka iyadoo loo eegaayo dagaallada waqtiga dheer iyo roobabka xilligan oo aanan da’in cimilada darteed.

Sanadkan, Norway ayaa bixinaysa lacag dhan 420 milyan oo ah Shilinka Norway taasi oo ay ugu deeqayso Santuuqa Dhexe ee Ka jawaaba xaaladaha deg-degga ah ee QM kaasi oo loo soo gaabiyo (CERF) iyo Sidoo kale 90 milyan oo ay siinayso xafiiska Isku xirka Arrimaha Beni’aadannimada QM ee UN (OCHA).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Eriksen Søreide oo ka hadashay arrintani ayaa sheegtay ‘In Kharashkani ay bixinayso Norway lagu xaqiijinayo si ay uga caawiso

In hay’adaha ay ka jawaabaan meelaha ugu saameynta badan oo ay ka jiraan arrimaha beni’aadantinimada, iyadoo ay barbar socoto istaraatijiyadda dhanka beni’aadantinimada’, ayay tiri Ine Marie Eriksen Søreide.

QM ayaa sheegtay in lagu qiyaasay, 167.6 milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaarka beni’aadantinimada iyo hooy sanadkan 2020.

Iyadoo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa codsigii ay u jeedisay dunida ay ku codsatay sanadkan 2020-ka is la siiyo lacag dhan 28.8 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Norway ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya Sanduuqa Dhexe ee Ka Jawaabista Xaaladaha Deg-degga ah ee QM ee Loo soo gaabiyo (CERF).

CERF waxay xaqiijinaysaa in kaalmada si dhaqsiyo badan loo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen mashkiladaha dhinaca beni’aadantinnimada. Waxaana ay sidoo kale bixinaysaa lacagaha sida aadka ah loogu baahanyahay ee loogu talo galay in lagu kharash gareeyo xaaladaha deg-degga ah.

Sanad walba, 20 milyan oo qof ayaa hela kaalmada caafimaadka degdegga loogu baahan yahay iyadoo loo soo marsiiyo hay’adda CERF, halka 10 milyan oo qof ay helaan gargaar cunno. Sanadkii 2019-kii, CERF waxay kharash gareysay 47 dal si loo yareyo mashkiladaha ka taagan dhinaca beni’aadannimada kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Soomaaliya, Jibuuti, Yemen iyo Dalka Venezuela.

Sanadkani, CERF waxay gacan ka geysatay sidii looga hortagi lahaa xalna loogu heli lahaa Anyaxa Saxareedka oo dhibaato badan ku haya wadamada Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale gacan ka geysatay sidii hooy iyo hu loo gaarsiin lahaa meelaha dadka ay sida aadka ah baahi ugu qabaan sida goobaha dagaalku haleelay ee Dalka Niger. QM ayaa waxay door ka qaadata xaqiijinta isku xirka, Qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha Beni’aadannimada.

‘Sida wanaagsan ee QM waxa ay muhiim u tahay xaqiijinta in tallaabo beni’aadannimo ay ka shaqeysiin karto si wax looga qabto dadka ay wajaheen mashaakilaadyada ugu badan. Xiriiriyeyaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Xafiiska QM ee Isku xirka Arrimaha Gargaarka ee (OCHA) ayaa iyaguna ka qaata doorkoodu muhiimka’, sidaasi waxaa sheegtay wasiirka Arrimaha dibadda Norway Ms Eriksen Søreide.

Sanadka 2020-ka, Norway waxay bixinaysaa 90 milyan oo doolar oo lagu kharash gareynayo dadaalada  hay’adda OCHA si korloogu qaado tallaabada isku xiran ee beni’aadannimada. Sidoo kale, waxay Norway, waxay taageero ku bixin doontaa xafiisyada ay ha’adda OCHA kuleedahay wadamada iyo dhaqaale kale oo loogu talo galay wadamada aadka unugul ama saboolnimada ay ka jirto.

Mid kamid ah shaqada beni’aadannimada ayaa ah in la xaqiijiyo badbaadada islamarkaana la saacido dadka gudaha ku barakacay. Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan ee (UNHCR), in ka badan 41 milyan oo qof oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa lagu barakiciyay gudaha wadamada dhammaadkii sanadkii 2018-kii. Tiradani ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaana jirta baahi loo qabo si loo kordhiyo jawaabta laga bixinayo arrintani.

3-dii bishii Diceember sanadkii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee QM ayaa aas aasay guddi heer sare ah oo ka shaqeya arrimaha barakacinta, waxaan loo xilsaaray in tallooyin ka keenaan sidii dalalka ay kunool yihiin dadka barakacay ay u siin lahaayen badbaadada ay u baahan yihiin, iyo sidii xulal waara looga gaari lahaa mashkiladaha ku gidaaman dadka soo barakacay.

Norway waxay si fir fircoon u taageertay hindisahan waxayna ku bixin doontaa 6.55 milyan oo lagu maalgelinayo miisaaniyadda sanadkani ee Beni’aadannimada taasi oo uu Xoghayaha Guud u dhisay sidii loo taageeri lahaa in Guddigani uu Shaqeeyo.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed ‘Johannesburg’

https://www.cnbcafrica.com/apo/2020/02/11/norwegian-support-for-un-humanitarian-aid-efforts/

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga…

GudahaWararka
January 4, 2024

Arday lagu afduubtay Nigeria oo lasii daayay

Abuja-(SONNA)-Dowladda dalka Nageria ayaa sheegtay in lasii daayay 14 arday oo ay kooxo hubeysan ka afduubteen bil ka hor Jaamacad…

CaalamkaWararkaWargayska
May 30, 2021

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Muqdisho (SONNA):- Waxaa hubaal ah in su'aasha ah "Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?" jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto…

MaqaalladaWararka
December 9, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta…

GudahaWararka
March 31, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023