Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed
GudahaWararka

War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar.

Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.

Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay Madagascar si ay u kormeeraan xaaladda una xaqiijiyaan in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumka, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka hortagga musiibooyinka noocan oo kale ah.

“Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go’an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kale, Dowladda ayaa dib u soo celinaysa 109-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan Khamiista, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Togo iyo gobolla kale.

Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee tahriibka, oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha kor u qaadaya socdaalka badbaadada leh.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

CR7 oo maqan, xilli Higuain & Dybala ay hoggaaminayaan liiska xiddigaha kooxda Juventus kaga qeyb-galaya kulanka maanta ee Lecce

Turin(SONNA)-Cristiano Ronaldo ayaa ka maqan liiska xiddigaha kooxda Juventus kaga qeyb-galaya kulanka maanta ee Lecce, iyadoo Higuain & Dybala ay…

CaalamkaCiyaaraha
October 26, 2019

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo soo xiray shirka ansixinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee dhaqaalaha Bulluuga ah

MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta soo xiray shirka ansixinta istaatiijiyada qaran ee…

GudahaWararka
January 30, 2023

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir muhiim ah kaga qayb galay Washington DC

Washington DC-(SONNA)-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb…

GudahaWararka
February 28, 2024

Xeer ilaalinta Qaranka oo war kasoo saartay dil ka dhacay Waddada Makka Al-mukarama

Muqisho(SONNA)-Dilka Marxuum Maxamed C/qaadir ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama, agagaarka Tre biano, waxaana Gaari uu watay rasaas ku furay…

WararkaWargayska
July 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023