Dodoma (SONNA): Danjiraha dowladda FS dhawaan u magacowday dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa magaalada caasimadda u ah dalka Tanzania ee Dodoma maanta kulan kula qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ahna Xildhibaan mudane Cosato David Chumi.
Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha hor-tebinta u leh xiriirka saaxiibtinimo ee labadeena dal Soomaaliya iyo Tanzania, isagoo danjire Ilyaas uu ku wareejiyey nuqulka aqoonsigeyga Danjiirenimo”.