Qaahira (SONNA): Tababarka oo ku saabsanaa xakameynta, ilaalinta xuduuddaha, baarista dukumintiyada iyo ka hortagga tahriibinta dadka, waxa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay dowladaha Masar iyo Talyaaniga, kaasi oo ay qayb galay saraakiil kala kala socotay hay’adaha socdaalka 17-wadan oo Afrika ah.
Saraakiisha ka socotay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa la baray habka loo ilaaliyo xuduudaha, baarista Dukumiintiyada been abuurka ah ee dalka ku galka, iyo sida looga hortago dembiyada tahriibinta dadka.
Hayโadda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa kobcinta aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ka shaqaysa xafiisyadda kala duwan ee hubinta dukumintiyada ee lagu soo dalbado adeegyada ay hayโaddu bixiso.
.