Muqdisho (SONNA): Hayโadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa maanta markale gaarsiisay saddex diyaaradood oo sida shixnado gargaar ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.
Degmadaan oo in mudda ah goโdoon ku jirtay ayaa dadkeeda waxaa soo food saartay xaalad adag, kadib markii ay isku biirsadeen abaaro iyo go’doominta khawaarijta.
U jeedka hayโadda ee gargaarkaan ayaa ah in shacabka uga gaashaantaan abaarta la filayo, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore hayโadda ay sidaan oo kale ay gargaar u gaarsiisay degmadaan taas oo ay ka faa’iideeysteen boqolaal qoys oo danyar ah.