Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: ‘Waxaa si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabinayay Gaajada iyo Faqriga’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Waxaa si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabinayay Gaajada iyo Faqriga’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Waxaa si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabinayay Gaajada iyo Faqriga’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 27, 2024
6 Min Read
Share

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse waxa uu Saakay u ambabaxay Deegaamaddii uu sahanka baariseedka ka bilaabi lahaa, taasi oo ah 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Batroolka XFS C/risaaq Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Soomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena”, ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya Shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda, wuxuuna intaasi raaciyay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran, isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda Shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo Shacabka dalkaasi oo si Walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isna ku dhawaaqay ‘in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga’, isagoo  ka hadlayay munaasabad galabtaasi lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay howshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeenna dhex dhigay.”

Mudane Xamsa ayaa isna sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taagan nahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkige, kuwaasi oo ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Bayaanka DFS ee Imaatinka Oruc Reis, Markabka Cilmi-baarista ee Badda Turkiga ee Ururinta Xogta Seismic ee 3D ee Biyaha Soomaaliya.

“Maanta, waxaan u dabaaldageynaa guul muhiim ah anagoo Soomaaliya ku soo dhaweynayna Oruc Reis, oo ah markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga. Markabkani waxa uu qaban doonaa howsha ugu muhiimsan ee sameynta xog-ururinta seismic-ka 3D-ga ee dhulkeena ee Badda ah. Dhacdadani waxay muujinaysaa rajo iyo horumar, taasoo ka dhigan tallaabo muhim ah oo loo qaaday ka faa’iidaysiga awoodda dhaqaale ee ballaaran ee Soomaaliya”.

“Sahaminta Shidaal-biyoodka ee badda Soomaaliya waxay u heleysaa fursado wax-ka-beddel ah oo Ummaddeena ah, iyadoo awood loo leeyahay in aan daaha ka qaadno kheyraadka horseedi kara horumar iyo barwaaqo waara. Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa in cilmi-baarista la sameynayo 5-ta illaa 7-da bilood ee soo socda ay xaqiijin doonto awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay abuurto Warshado shidaal oo ganacsi ahaan wax ku ool ah. Daah-furka noocan oo kale ah wuxuu aas-aas ahaan u beddeli karaa muuqaalkeenna dhaqaale, soo jiidashada maalgashi cusub, abuurista shaqo, iyo kobcinta korriinka muddada dheer”.

Bayaan ayaa lagu yiri:- “Guushan ayaa ka tarjumeysa sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay maamulka hadda jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kor u qaadista amniga iyo horumarinta qiyamka dimoqraadiyadda. Aragtida Madaxweynaha ee Soomaaliya barwaaqo iyo xasillooni waxay sii wadaa inay dhiirigeliso hindisayaal geesinimo leh oo kan oo kale ah, oo Ummaddeenna ku hagaya mustaqbal ifaya”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelineysaa saaxiibada Turkige iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay mashruucan muhiim ka ah. Waxaan weli rajo ka qabnaa saameynta wanaagsan ee sahamintani ku yeelan doonto mustaqbalka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗖𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo muddo afar…

GudahaWararka
January 26, 2023

Ciidamada Xoogga Dalka oo weerar culus ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen Khawaarijta

Caad (SONNA):- Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex-Jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta gobolka Mudug halkaas oo Ciidamada…

GudahaWararka
December 24, 2023

Xildhibaan Xuseen Iidow “Waxaan xoogga saari doonnaa in dalku yeesho dastuur ay dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Xuseen Iidow, ayaa sheegay in Guddiga…

GudahaWararka
January 26, 2023

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

MUQDISHO-(SONNA)-Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu…

GudahaWararka
January 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023