Afduubyo ka dhacay Gobolada Axmaarada iyo Oromiya ee Itoobiya, waa cinwaanka warbixin lagu qoray Jariirad ay leedahay Waaxda Gaasaandhiga Maraykanka ee ADF, Aynalem ayaa saarney Bas ka soo safray gobolka Axmaarada ee Itoobiya kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa dhammaadkii bishii Agoosto markaasoo gaariga ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan ciidanka xoreynta Oromada (OLA), kuwaasi oo sheeganaya in ay u dagaallamayaan Aayo ka tashiga qowmiyadda Oromada. 21 sano jir wax ka baranayay cilmiga Biomedical Engineering, Aynalem ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ahaayeen dhalinyaro, ayna wateen qoryaha daran dooriga u dhaca, waxayna fuuleen Baska, waxayna ku amreen inuu saacado socdo, markii ay joogsaday, Caynalem waxa ay ku qasbanaatay in ay wacdo waalidkeed, maadaama ay Afduubayaasha ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan 500,000-Bir (qiyaastii $4,400).
Dhowr maalmood oo xanuun badan baa soo maray Inantaasi. “”Waxay nagu seexeyeen Cowska, waxaan heysanay oo kaliya Biyo wasakh ah iyo xabbad Rooti ah,” Aynalem, ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse (AFP), iyada oo bilawday inay ooydo. “Waxaan la kulmay waxyaabo naxdin leh. Waa la i faraxumeeyay.” Aynalem hooyadeed waxay sheegtay in qoysku ay ku qasbanaadeen inay “deyn badan galaan” si ay u sii daayaan. Maleeshiyadka ayaa dishay 34-ta qof ee kale ee Rakaabka ahaa ee aan Qoysaskoodu awoodin in ay bixiyaan lacago Madax furasho ah. taasi waxaa ka dambeeyaan xasillooni-darro siyaasadeed iyo colaado is-daba-joog ah, oo ay ku jiraan xiisadaha Qowmiyadaha, Afduubyadu waa walaac isa soo taraya oo ka jira Itoobiya, laakiin waa gaar ahaan gobollada fidsan ee Axmaarada iyo Oromiya, halkaasi oo ay ku fidsan yihiin ciidammada dawladda. Dhanka Axmaarada, Militariga Itoobiya ayaa dagaal kula jira maleeshiyada gobolka Fano in ka badan hal sano. Oromiya – gobolka ku hareeraysan Addis Ababa, caasimadda Qaranka – Militariga ayaa la dagaallamaya OLA.
Ardayda, Shaqaalaha rayidka ah, Beeraleyda iyo Shaqaalaha Warshado kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya Ganacsiyada Ajaaniibta ah, ayaa markii hore ahaa dadkii ugu badnaa ee la bartilmaameedsaday, laakiinse hadda, qof kastaa wuxuu u noqon karaa dhibane, maadaama Afduubku ku fiday meelo cusub sababo kala duwan awgood.
Taliska Addis waxay lumisay awooddii ay ku laheyd qeybo badan oo dalka ah, taasi oo keentay in ammaanku uu faraha ka baxo. Saraakiisha iyo fallaagada ayaa lagu yaqaanaa inay jaraan heshiisyada, iyagoo wiiqaya kalsoonida shacabka. Sida laga soo xigtay The Economist, dhibanayaasha Afduubku waxay si joogto ah ugu eedeeyaan Saraakiisha iyo ciidamada ammaanka inay ku lug leeyihiin, iyaga oo iska indha tiraya dambiyada ama qeyb ka qaataan lacagaha Madax furashada ah. Bixinta Madax furashadana ma dammaanad qaadeyso in dhibbanaha Afduubka ah la badbaadin doono. Dabayaaqadii bishii Agoosto, xubno Maleeshiyaad ah ayaa magaalada Gonder ee Axmaarada ka afduubtay Nolawit Zegeeye oo 2 jir ah.
Shan maalmood ka dib, ayaa meydkeeda laga helay meel deyr ah. Aabaha dhalay ilmahan yar oo darawal ka ahaa shirkad gaar loo leeyahay iyo Hooyada oo ka shaqeysa timo jaraha ayaa bixiyay lacag madax furasho ah oo dhan 200,000 birr ($1,654), sida uu sheegay Wargeyska Addis Standard ee Itoobiya. Dhimashada Gabadha ayaa keentay Mudaaharaad Dadweyne oo dhimasho isu beddelay markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dadka, xilli ay guryahooda ku sii socdeen, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen Wargeyska. Afar qof ayaa dhintay, oo ay ku jiraan qof dumar ah iyo laba Darawal. Saraakiisha ayaa weerarka u qaabeeyay dadaal lagu doonayo in lagu ilaaliyo nidaamka, laakiin goob joogayaal ayaa ku khilaafay. “Ma jiro Mudaaharaadayaal isku dayay in ay hub ka qabsadaan ciidamada ammaanka ama ay fuliyaan weeraro kale,” goob jooge ayaa u sheegay BBC-da.
Isbeddelka Afduubka ee Itoobiya ayaa billowday Noofambar 2019-kii markii 17 Arday laga afduubay Jaamacadda Dembidollo ee Oromia. Qaylo-dhaan qaran ayaa ka dhalatay daah-furnaan la’aanta dowladda ee Afduubka. Warbixin ay soo saartay Deutsche Welle ee dalka Jarmalka ayaa lagu xusay in la’aanta baaritaanno dhab ah ay inta badan ku adkeyneyso Mas’uuliyiinta inay raad raacaan oo ay wax ka qabtaan aafada socota, inkastoo ay sii kordhayaan walaaca shacabka. Nin ku nool Oromia ayaa bixiyay 100,000 birr oo u dhiganta($827) si uu u soo daayo Walaalkii, kaasi oo lagu afduubay Bas marayey Galbeedka Shewa bishii Juun 2023-kii. “Tani waa masiibo,” Ninku wuxuu u sheegay The Guardian. “Afduub ayaa meel walba ka dhacaya.
Fallaagada waxay ka dhigteen qaab nololeed sababtoo ah waa lacag u sahlan iyaga. ” Isbeddelku ma muujinayo wax calaamado ah oo hoos u dhac ah. Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu qafaashay madax-furasho gudaha Axmaarada iyo Oromiya hal toddobaad gudaheed Bishii June 2024-ka. “Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noq-noqda ee gobollada Oromia iyo Axmaarada waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirrigaliyaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga,” ayuu qoray Safiirka Maraykanka Ervin Massinga Baraha bulshada ee X. Bishii Sebtembar, lix ka mid ah Shaqaalaha Korontada Itoobiya ayaa la Afduubay, iyaga oo ka shaqeynayay mashruuc ku saabsan Tamarta dhulka ee Oromia.
Afduubayaashu waxay dalbadeen 10 milyan ETB (oo u dhiganta ku dhawaad $83,000) si loo sii daayo. “Shirkaddu waxay sameynaysaa intii karaankeeda ah, si loo sii daayo iyagoo nabad ah,” ayuu Afhayeenka Korantada Itoobiya Moges Mekonnen u sheegay Deutsche Well.
Dhinaca kale Dadka Qowmiyadda Tigreega ayaa gabi ahaanba ka dajiyay Calanka Dowladda Federaalka ee Itoobiya dhulka ay ka joogaan, islamarkaana waxay mamnuuceen astaamaha waxaay ku sheegeen wax federaalka ah ama raad ay ku leeyihiin, taasi ayaa la sheegay inay calaamad u tahay inuuu soo socdo bur-burkii dowladdii Itoobiyaanka, waddadana ay ku soo jiraan in Qowmiyad kasta ay gooni istaag damacsan tahay.
By.Ruush