Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) daraasadaasi oo lagu soo bandhigay qorshe faah-faahsan oo sawir buuxa ka bixinaaya biyo qabadyada Magaalada Muqdisho iyo wax-qabad howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha Biyo Mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu nuux nuuxsaday ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta Biyo Mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda Qaranka.