Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
GudahaWararka

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 6, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xubno badan argagixisada looga dilay howlgallo culus oo ka dhacay gobollada Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Jubbooyinka.

“Jowhar iyo Muqdisho waddada isku-xirta waxaa ka socda howlgallo nadiifin ah oo ka dhan ah Khawaarijta si shacabka isticmaala loogu dhibin halkaas, muddo labo maalin ah ayuuna howlgalkaasi socdaa, sidoo kale Galgaduud waxaa ka socda dagaal lagula jiro Khawaarijta, kaas oo looga nadiifinaya dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan ” ayuu yiri wasiirku.

Howlgallada ka socda Galgaduud ayuu Wasiirka sheegay in ay isugu jiraan kuwa toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah, kuwaas oo lagu khaarajiyay in kabadan 100 malleeshiyaad ah, tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, isagoo tilmaamay in dagaalka sii socon doono illaa Khawaarijta laga saaro halka.

Howlgalka socday waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey  in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamka ayaa labo jibbaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowga ku soo duulay waddankeenna .

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Aqalka sare oo ka tacsiyadeeyay qaraxii Ex-koontarool Afgooye

Muqdisho (SONNA) - Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ku hadlaya Golaha ayaa tacsi…

Wararka
December 28, 2019

Shirka Wasiirrada maaliyadda DFS iyo maamul goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.…

GudahaWararka
June 6, 2023

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan soo dhaweyn iyo dhiiragalin ah Xarunta Aqalka…

GudahaWararka
February 9, 2025

Xubno ka socda duubabka dhaqanka oo gaaray Baladweyne

Wafdi uu hoggaaminayo Iimaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud qeybna ay ka yihiin Wabaro, Ugaasyo iyo Salaadiin ayaa goordhow gaaray…

Wararka
February 25, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023