Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 25, 2024
2 Min Read
Share

Ankara-(SONNA)-Xarunta War-bixinnada Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga (MASAK) ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay’adaha sirdoonka maaliyadeed ee labada dal.

Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo & wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortagga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML/CFT).

Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hourmarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Sidoo kale, labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriirta la-dagaallanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada.

Heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya tallaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortagga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.

Labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha, iyadoo la raacayo mabaadii’da Is-weydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay’adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga war bixinada dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh “Suspicious Transaction Reports” (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loolana dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hoggaansaaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta Warbixinada Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo iyo dedaallo. kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada & sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabadda lagu kala saxiixanayay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Fathudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo; Aamino Maxamed Cali iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr; Xasan KEYMAK.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo sheegtay in dagaalka ay kula jirto Xamaas uu socon karo dhowr bilood

Wasiirka Difaaca Israa'iil Yoav Gallant ayaa u sheegay la taliye Jake Sullivan  oo ka socda mareykanka in milatariga Israa'iil ay…

Caalamka
December 15, 2023

Khawaarijta oo faarujiyay xarummo ay ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug 

Muqdisho(SONNA ):-Wararka imaanaya koonfurta Gobolka mudug ayaa sheegaya inay khawaarijta ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen agga deegaannada Dumaaye iyo…

GudahaWararka
December 7, 2023

Hay’adda Isgaarsiinta oo daah-furtay mashruuc xoojinaya amniga Internet ka

Muqdisho (SONNA):  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda SIMAD, iyagoo kaashanaya Hay'adda Amniga Saaybarka Malaysia, ayaa maanta si rasmi ah…

GudahaWararka
December 15, 2025

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda ee Antalya

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeybgalay Madaxda Caalamka, furitaanka Madasha Diplomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.…

GudahaWararka
April 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023