Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Maxaa ka soo baxay Safarkii Xoghayaha IGAD (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 18, 2024
7 Min Read
Share

Urur goboleedka IGAD Waa midaw ay ku bahoobeen waddamo dhaca Geedska Afrika, Ururkaan waxa la aas-aasay bishii January ee sanadkii 1986-kii, waxaana xarun u ah oo oo lagu aas-aasay, magaalo madaxda Jabuuti, aas-aaska ururkan waxa ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee waddanka Jabuuti Mudane xasan Guuleed Abtidfoon. Waddamada IGAD Ka tirsan waxa lka mid ah:- Soomaaliya, Jabuuti, Ugandha, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Eretareeya, iyo Itoobiya.

  • Eratareya (2003) ayay ku biirtay.
  • Soomaaliya (1986) ayay ku biirtay
  • Jabuuti (1986) ayay ku biirtay
  • Itoobiya (1986) ayay ku biirtay
  • Suudaan (1986) ayay ku biirtay
  • Koonfur Suudaan (2011) ayay ku biirtay
  • Yugandha (1986) ayay ku biirtay

Wadamadani waxa ay iska kaashadaan waxyaabo kala duwan sida horumarinta deegaanka , nabadgalyada, Isdhexgalka wadamada, badanaa waddamada ku bahoobay IGAD waxaa saameeya abaaro iyo dagaallo sokeeye.

haddaba waxa safar ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha Ururka IGAD ayaa mar kale sheegay in ay ka go’an tahay dhowrista madax bannaanida Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in IGAD ay aheyd Ururkii ugu horreeyay ee ku baaqa in hoggaamiyeyaasha dowladaha ay ilaaliyaan madax bannaanida dalka Soomaaliya.

Hadalka Gebeyehu ayaa imanaya ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u caddeeyay hadafka guud ee IGAD kaga aaddan gobolka , gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada ,horumarka mandiqadda iyo sidii xasillooni loogu wada noolaan lahaa.

Ururka IGAD ayaa marar badan ku celceliyay in la dhowro madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, in kastoo ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ku xad gudubtay wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”. Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan” iyadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya ka mid aheyd dalalkii aas aasay Urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka gobolka.

Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sarreeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba War saxaafadeed ka soo baxay booqashada Xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, oo ah xubin aas aastay Urur goboleedka IGAD, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara ee Geeska Afrika. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, H.E. Dr. Workneh Gebeyehu ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wadahadal ay yeesheen ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo qorshayaasha IGAD ee Soomaaliya ka socda.

Madaxweynahga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka IGAD ee horumarinta gobolka.

Kulan gaar ah oo uu la qaatay Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Dr. Workneh ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis lagu sii xoojinayo xiriirka IGAD iyo Soomaaliya. Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa ah in la dhiso xarun heer gobol ah oo heer sare ah oo dhanka dhaqaalaha buluuga ah.

Dr. Workneh ayaa ku ammaanay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka ay ku qaadayso nabadda iyo dowlad-dhisidda, isagoo muujiyay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka ciyaareyso qaabeynta xasilloonida iyo amniga gobolka,  wuxuuna kaloo xaqiijiyay in IGAD ay sii wadi doonto taageerada dadaallada Soomaaliya ee wax looga qabanayo caqabadaha sida ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wax ka qabashada barakicinta cimilada, iyo kobcinta maamul loo dhan yahay.

Dr. Workneh oo ka hadlayay booqashada ayaa yiri “Soomaaliya kaliya ma ahan xubin aasaasi ah oo IGAD ka tirsan balse sidoo kale waa saaxiib muhiim ah oo ku aaddan howlgalka aan wadaagno ee ah horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaan garab taaganahay Soomaaliya inta ay ku sii socoto wadadii ay ku gaari laheyd nabad iyo barwaaqo waarta, waxaana sii wadi doonnaa taageerada dadaallada dowladda ee lagu dhisayo Qaran adkaysi leh.”

By. C/lahi Ruush

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxda iyo Shaqaalaha SODMA oo ka qeyb galey Bannaabaxa Ciribtirka khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Xildhibaano iyo boqolaal shacab ah ayaa maanta xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis…

GudahaWararka
August 5, 2024

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo Dooxa kula kulantay dhiggeeda Dowladda Qatar

Muqdisho.(SONNA): Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan mira…

GudahaWararka
March 1, 2023

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka oo qaabilaymasuuliyiinta ururka Baraarugga Bulshada Banaadir

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS Mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiinta Ururka…

GudahaWararka
July 24, 2024

Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo maalintii shanaad ka socda Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Hoggaanka haweenka Soomaaliyed oo ay hor kacayso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS ,Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa muqdisho…

GudahaWararka
March 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023